Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), ayaa shalay la kulmay madaxda iyo masuuliyiinta telefishanadda dalka ka hawl-gala, kulankaasi oo ku saabsanaa sidii ay u baahin lahaayeen warar iyo barnaamijyo ku saabsan abaarta ka taagan gobollada bariga oo dadka abaaruhu halista geliyeen lagu qiyaasay hal malyan oo qof.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa la iskula qaatay in Sabtida maanta lixda galabnimo ay dhamaanba TV-yada dalka ka shaqeeyaa baahin doonaan warar iyo barnaamijy ku saabsan abaaraha.
Wasiir Cadaani, oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Berito (maanta) lixda galabnimo ilaa sideeda habeenimo marka laga bilaabo, TV-yada dalka ka shaqeeya oo dhan waxaa la is-la qaatay in laga hadlo arrimaha abaaraha. Marka laga reebo nuusasaace war ah ilaa 8:30 ayay hadana soo gelayaan, ka bacdi dib ayaa loogu noqonayaa, 8:30 ilaa 11-ka habeenimo, iyad-na abaaraha ayaa laga hadlayaa.” “Waxaanu ku tallo jirnaa in aanu keeno weriyeyaashii abaaraha dalka ka soo waramayay, waxaanu ku tallo jirnaa in aanu gudiga abaaraha keenno, waxaanu ku tallo jirnaa in aanu keenno wasiirrada qaarkood”ayuu yidhi Wasiirku.
Dhinaca kale Wasiirka warfaafintu waxa uu farriin u diray dadkii daawadeyaasha telefishanada ee sida aadka ah ugu xidhnaa daawashadda filimaanta tanaxaha ah ee loo yaqaano musal-salka,waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa ummadda jamhuuriyadda Somaliland qofkii musal-sal yar oo gaar ah daawan jiray, ama arrimo kale oo gaar ah, ama xayaysiis TV-yada siin jira, in uu ogaado in berito (maanta) la bedelay, mid gudaha jooga iyo mid dibadda joogaba.”