WARBIXIN: Liverpool & Chelsea Oo Si Cad U Muujiyay In Ay Koobka U Sharaxan Yihiin, Dhibaatada Bisha November Ee Arsenal Oo Bilaabantay, Etihad Stadium Oo City Ku Dhagan, Mourinho Oo Digniin Diray Iyo Faaqidaada Kulamadii 11 Aad Ee Pl

Date:

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu, idilkiinba salaan meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow, kuna soo dhawaada  barnaamijkeenii todobaadlaha ahaa ee faaqidaada kulamada Premier Leaque-ga. Laga soo bilaabo kulamadii kowaad ee PL waxaanu si joogto ah idiinku soo gudbinaynay barnaamijikan oo aanu si joogto ah ugu soo faaqidnay hadba sida ay xaalada horyaalka Ingiriisku ahayd.

Waxaan si gaar ah diirada ugu saarnaa natiijada ay kooxaha waa wayni la kulmeen, kaalmaha lagu kala jiro, kooxaha heerka laabad ka baxsanaya iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee todobaad kasta. mar labaad ku soo dhawaada barnaamijka oo maanta iyo kulamadii 11 aad ee Premier Leaque-ga. Haddii barnaamijkii kan ka horeeyay uu ku seegay halkan dib uga akhriso. Faaqidaada kulamadii 10 aad iyo miiskii kala sarayntu qaabkii uu ahaa.

Aan ku bilawnee, todobaadkan waxaa farxad iyo damaashaad kulamada caalamiga ah ku qaabili doona kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo fariimo culus u diray kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga kula tarmaya, waxayna hadda u muuqataa in koobka horyaalka xili ciyaareedkani uu noqday mid aan la saadaalin karin islamarkaana ay adag tahay in si sahlan loogu guulaysto.

Wixii Stamford Bridge ka dhacay iyo musiibadii Everton ku habsatay ayaa noqotay wax si wayn looga qaadaa dhigay goob kasta oo kubbada cagta ku abtirsata, waxayna Chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareed layaableh iyada oo 5:0 ku xasuuqday kooxda Everton oo markii hore la filayay in Conte iyo kooxdiisa ay xaalada ku adkayn karto. Kaliya ma aha kulankii Everton balse Chelsea ayaa gaadhay guusheedii shanaad oo xidhiidh ah iyada oo waliba kulamadii ugu danbeeyay si joogto ah shabaqeeda wax goolal ah uga ilaalisay.

Tan iyo markii uu Antonio Conte shaxdiisa u badalay 3-4-3 waxayna Blues samaysay horumar aan la qiyaasi karin iyada oo la xusuusto qaabkii ay u burburisay Manchester United iyo dhamaan kulamadii ka danbeeyay qaabkii ay Premier Leaque-ga qaab ciyaareedkeeda uga joogtaysay. Saamaynta Eden Hazard, Diego Costa iyo wacdaraha cusub ee Victor Moses ayaa weerarka Chelsea ka dhigay mid cabsi wayn ku soo abuuray difaacyadii ka hor yimid iyada oo Conte uu hadda si dhab ah u helay qaacidada guusha Pl. Haddii bil ka hor Chelsea laga saarayay tartanka PL, hadda waxay ka mid noqotay kooxaha ugu cad cad.

Laakiin guushii Chelsea ee Everton waxaa lagu ilaaway dhul gariirkii ka dhacay Anfield iyo qaabkii ciidamada Klopp ay cagta u mariyeen Watford. Liverpool ayaan muddo 3 bilood ku dhaw wax guuldaro ah arkin tartamada oo dhan, waxayna tani cadayn buuxda u tahay qaabka uu Jurgen Klopp u badalay xaalada Liverpool isla markaana uu uga dhigay kooxda weerarkeedu Premier Leaque-ga ugu halista badan isla marakana uu sanadkan 2016 goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa kulamadii hore ee Premier Leaque-ga dhibco la wadaagtay Manchester City iyo Arsenal laakiin Reds ayaa si buuxda uga faa’iidaysatay kufitaankii Sky Blues iyo Gunners ee Etihad Stadium iyo Emarites Stadium sida ay u kala horeeyaan. Waxa ugu muhiimsan in kooxihi ay koobka ku guulaysato ayaa ah in si joogto ah kulamada garoonkeeda guulo u gaadho waana waxa Liverpool ka caawiyay in ay hogaanka Premier Leaque-ga ku jirto.

Kooxda Klopp ayaan Anfield waxa guuldaro ah ku arkin xili ciyaareedkan waxayna guuldaradii ugu danbaysay ahayd horaantii sanadkan ee xili ciyaareedkii hore. Hanaanka ciyaareed ee uu caanka ku yahay Klopp iyo cadaadiska weerarka kooxdiisu uu saaro difaacyada ka soo horjeeda ayaa jamaahiirta Liverpool ka dhigtay kuwa maanta ugu faraxsan England.

Liverpool aaya ilaa hadda ah kooxda kaliya ee la ciyaartay saddex kooxood oo waa wayn isla markaana 7 dhibcood ka heshay iyada oo waliba laba kulan marti ahayd, waxayna cadayn kale u tahay sida Klopp uu horumarka ugu sameeyay kooxdii uu ka dhaxlay Rodgers. Liverpool ayaa hogaanka Premier Leaque-ga qabtay 916 maalmood kadib waxaana ugu danbaysay May 6, 2014kii.

Ugu yaraan Liverpool ayaa waqtiga kulamada caalamiga ah halka ugu saraysa kaga fadhiyi doonta miiska kala saraynta Premier Leaque-ga waxayna shaqo cajiib ah qabteen kulankii Watfrod iyaga oo 6:1 ku ceebeeyay. Weerarka Liverpooloo ay ugu horeeyaan Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo caawin ka helaya Philippe Coutinho, Adam Lallana iyo Emre Can ayaa fariin kale oo cad u diray kooxaha Premier Leaque-ga waxayna hadda Liverpool ka mid noqotay kooxaha sida dhabta ah loogu saadaalin karo PL.

Dhinaca kale Manchester City oo inta ugu badan xili ciyaareedkan hogaanka Premier Leaque-ga soo haysay ayaa iska lumisay fursad ay wali ku sii ahaan kartay hogaamishaasha PL laakiin kooxda Middlesbrough ayaa waqtigii dhimashada ee dhamadkii kulankii Etihad Stadium neefta dib ugu celisay Pep Gauardiola iyo kooxdiisa Sky Blues. Haddii kulankii Champions Leaque-ga ay Manchester City guuheedii abid ugu horaysay ay Barcelona kaga gaadhay Etihad Stadium, xaaladii kulankii Boro ayay wax kastaaba isbadaleen.

Manchester City waxay wali ka mid tahay kooxaha ugu cad cad ee koobka ku guulaysan kara laakiin waa haddii ay xal u hesho musiibada ka haysata garoonkeeda Etihad Stadium ee kulamada Premier leaque-ga. Manchester City ayaa saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Etihad Stadium ku ciyaartay kulamada Premier Leaque-ga aan wax guul ah gaadhin iyada oo barbaro la gashay kooxaha Everton, Southampton iyo Middlesbrough, taas oo la micno ah 6 dhibcood ay ku lumisay garoonkeeda waana dhibco u dhigma laba guuldaro.

Guardiola ayay dhibaato ka haysataa in Etihad Stadium uu ka dhigo goobtii laga cabsan jiray markii uu Maneul Pellegrini joogay waxaana la fahmi karaa haddii kooxaha heerka dhexe ay barbaro la galeen waxa ay filan karaan marka ay kooxaha waa wayni soo booqdaan. Hanashada Premier Leaque-ga ee City ayay hadda dhibaato wayn ku tahay qaab ciyaareedkooda Etihad Stadium.

Dhinaca Arsenal waxay iyaduna iska lumisay fursad ay hogaanka Premier Leaque-ga kula wareegi kartay iyada oo barbaro 1:1 ah Emarites Stadium kula gashay kooxda Tottenham. Qaab ciyaareedkii Arsenal ee kulankii North London Derby ayaan ahayn mid qanciyay jamaahiirta kooxda Gunners iyo dadkii kale ee ciyaarta daawanayay, waxayna Spurs soo bandhigeen qaab ciyaareed ay Gunners nasiib ku lahayd haddii ay hal dhibic ka heshay.

Ka hor kulankii Tottenham waxaa la sii saadalinayay in Arsenal ay gaasha bisha November ee tan iyo markii uu Arsene Wenger kooxda la wareegay musiibada wayn ku ahayd. Waxaa jira saddex bilood oo Arsenal natiijooyinkii ugu xumaa heshay waayaha Arsene Wenger ee Arsenal waana bilaha, January, August iyo November.

Arsenal ayaa kulamada Premier Leaque-ga ee bisha January cel celis ahaan ka hesay 1.89 dhibic, Bisha August 1.88 dhibic halka sida aan soo sheegnay ay kulamada PL ee bisha November ay cel celis ahaan ka heshay 1.59 dhibic. Laakiin xaalada Arsenal ayaa sii xumaan karta isla 19ka bishan November marka ay Old Traffrod ku booqato Manchester United. Haddii Arsenal ay kaalinta kowaad la wareegi kartay waxay hadda baaqi ku sii tahay kaalinta afraad.

Arsenal ayaa natiijooyinka ugu fiican Premier Leaque-ga ka soo heshay bilaha March, October iyo September waana bilaha uu Arsene Wenger dhibcaha ugu badan la soo qaatay kooxdiisa muddadii 20 ka sanadood ahayd ee uu kooxda maamulayay. Arsenal ayaa celcelis ahaan bisha March kulamadii PL ka heshay  2.18 dhibic halka bisha Otober ay ka heshay 2.15 iyada oo bisha September ka heshay 2.14 dhibcood kulankiiba.

Kadib kulanka Manchester United waxay markale Arsenal la ciyaari doontaa kooxda PSG oo ay hogaanka Group A ee Champions Leaque-ga ku tartami doonaan iyada oo bishan ku soo xidhan doonta kulamada Bournemouth iyo Southampton waana kulamo markale qeexi doona in Gunners ay bisha November xaaladu sidii xili ciyaareedyadii hore ku xumaato.

Dhinaca Manchester United waxay u ahayd neef qabawsi iyo in ay soo gabagabeeyeen kulamadii ay bilaa guulaha ahaayeen iyada oo Jose Mourinho uu taaraboonka ka daawanayay kulankii Swansea City waxay Manchester United awooday in ay saddexda dhibcood ka soo hesho Swansea City isla markaana ay 3:1 ku soo garaacday. Laakiin Mourinho ayaa ka fogaa in uu ku faraxsan yahay guushan sababtoo ah waxa uu si fiican u ogyahay waxa looga baahan yahay tababare Man United ah.

Mourinho ayaa digniin u diray difaacyada kooxdiisa iyada oo Manchester United ay haysato dhibaato difaac kadib dhaawacyadii soo gaadhay Eric Bailly iyo Chris Smalling. Daley Blind iyo Marcos Rojo ayaa eedayn wayn la kulmay kulamadii ay iskaga garab ciyaareen wuxuuna Mourinho doonayaa in dhamaan ciyaartoyda kooxdiisu ay horumar sameeyaan. Mourinho ayaa si gaar ah ugu digay Smalling iyo Luka Shaw.

Laakiin Manchester United ayaan wali xaalad fiican ku jirin iyada oo 11 kulan ka heshay 18 dhibcood waxayna wali ku jirtaa kaalinta 8 aad ee miiska kala saraynta Prmier Leaque-ga. Inkasta oo ay wali xili hore tahay isla marakana aan la gaadhin kala badhka xili ciyaareedkan, waxay wali Man United u muuqataa mid aan hadda ka mid ahayn kooxaha ugu cad cad hanashada koobka inkasta oo ay 8 dhibcood oo kaliya ka danbayso Liverpool oo hogaanka haysa. In horyaalka lagu guulaysto ayaa u baahan qaab ciyaareed joogto ah waana waxa uu Mourinho doonayo in uu helo.

tab

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...