Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Barcelona ee Etihad Stadium ayaa ciyaartoyda kooxdiisa uga digay halista ay u keeni karto in xamaasadooda ilaalin kari waayaan oo ay galaan qaladaad ay kaadhka cas ku qaadan karaan. Claudio Bravo ayaa kulankii Camp Nou kaadhka cas oo toos ah loo taagay kadib markii uu kubbad gool noqon lahayd gacmaha ku badbaadiyay inkasta oo uu ka baxsanaa xerada ganaaxa
Manchester City ayaa rekoodh xun oo dhinaca kadhka cas ah ku leh Barcelona iyada oo afar ciyaartoy oo Manchester City ahi ay kaadhka cas qaateen shan kulan oo ay Barcelona kaga horyimaadeen Champions Leaque-ga. In Barcelona ay ciyaartoyda ka ilaashato kubbada ayay marar badan sabab u noqota in ciyaartoyda ka soo horjeedaa ay qaladaad ku galaan waana arinta uu Guardiola sida wayn u fahansan yahay.
Saddex sanadood gudahood kooxaha Barcelona iyo Manchester City ayaa ciyaari doona kulankoodii lixaad ee Champions Leaque-ga waxaana shantii kulan ee hore kaadhka cas loo taagay Gael Clichy, Martin Demichelis iyo Pablo Zabaleta oo markaas ka hoos ciyaarayay Manuel Pellegrini halka Claudio Bravo uu kulankii hore qaatay kaadhka cas wuxuuna seegi doonaa kulanka habeen danbe.
Guardiola ayaa aaminsan in kooxdiisa ay dhibaato wayn ku noqon doonto haddii ay wax ka baran waydo qalaadkii hore iyo kaadhadhkii casaa ee ay Barcelona ku soo qaateen wuxuuna yidhi:“Haa, waxaa waajib ah in aad wax ka barato. Markasta waa wax dhib badan in aad guulaysato kulamada Champions Leaque-ga. Marasta waa wax dhib badan marka aad Barcelona kala hortagayso 11 vs 11 ciyaartoy, marka ay noqoto 10 vs 11 ciyaartoy waa waxaan macquul ahayn”.
Tababare Guardiola oo ka hadlaya dhibtii Manuel Pellegrini hore uga soo gaadhay Barcelona ayaa yidhi: “Manuel taas ayuu ku noolaa, mararka qaar kaadhadka casi cadaalad may ahayn, markii ugu danbaysay waxa uu ku yimid qalad la sameeyay. Laakiin heerkaas waa waxaan macquul ahayn in aad bartilmaameedkaaga gaadho, haddii aanad anshaxaaga ilaalin. Waa kubbada cagta, kubbada cagtuna waxay leedahay qaladaad”.
Garsooraha ree Hungary ee Viktor Kassai oo hore u soo dhex dhexaadiyay koobka aduunka ayaa qaban doona kulanka Manchester City iyo Barcelona iyada oo Barcelona soo wada guulaysatay saddexdii kulan ee hore halka Man City ay hal kulan oo kaliya guul soo gaad