Somaliland: KULMIYE Oo Beeniyay Inay Lacag Ku Bixinayaan Sidii Ay Siyaasiyiintu Uga Bixi Lahaayeen Xisbiga Waddani

Date:

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), waxba kama jiraan ku tilmaamay  in Xisbiga Kulmiye uu lacag iyo sasabasho ku wado Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Taageerayaasha kale duwan ee Xisbiga Waddani, si ay uga soo baxaan Waddani uguna soo biiraan Xisbigooda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey waxa ka jira in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye aanay doorasho diyaar u ahayn, oo la doonayo muddo kordhin dambe, ugu horeyna  isagoo ka jawaabaya waxa ka jira in Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani lacag ku doonayaan ayaa yidhi “Arinkaasi waa arin aan waxba ka jirin, anagu Xisbi baanu nahay oo dadka ayaanu urursanaynaa, oo cidii noo timaada waanu soo dhaweynaynaa, dadku Xisbiyada mabda ayey ku joogaan, marka in la yidhaahdo qofba Xisbiga lacag kaga soo baxay, oo aan caddeyna loo haynin, waxay noqonaysaa wax aan raad lahayn, Xibiga Kulmiye dad baa ka baxa, Xisbiga UCID dad baa ka baxa, maaha dad lacag la siiyo, waa dad ka cadhooday, qof walibana si ayuu uga baxa Xisbiga, marka waa waxaan jirin haddii la yidhaahdo Kulmiye ayaa lacag qaybinaya”.

Mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira  Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ay wadaan muddo kordhin dhinaca Doorashada Madaxtooyada xilli Xildhibaanada Muxaafidka ee Golaha Wakiiladu qaarkood soo jeediyeen in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha ayaa ku jawaabay “Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisuba wax alaale wixii Doorashada kaga aadana way dhamaysteen, oo Doorashada wakhtigeedu Komishanka ayey u taala, oo Xukuumaddu afar milyan oo dollar ayey bixisay, waxaana muuqata inay diyaar u tahay, dib u dhac ayeyna sameyn lahayd haddii aanay diyaar u ahayn, lacagta intaas leegna may bixiseen haddii aanay Xukuumaddu doonaynin inay Doorashadu dhacdo, Doorashadana wax Kulmiye iyo Mucaaradka u yaala maaha ee waa wax Komishanka u yaala”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...