Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in kabtanka kooxdiisa ee John Terry uu taam buuxa yahay kulanka adag ee ay Blues soo dhawayn doonto Manchester United. Terry ayaan wax kulan ah u safan kooxdiisa Blues tan iyo kulankii Swansea City ee bishii hore, wuxuuna 35 jirkan diyaar u yahay in uu ka hor yimaado kooxda macalinkiisii hore ee Mourinho wato ee Man United.
Conte oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Manchester United ayaa yidhi: “John waxa uu ku jiraa qaab fiican. Kooxda ayuu tababarka la qaatay, waxa uu xaliyay dhibaatadii ka haysatay canqawga, wuxuuna diyaar u ayahy kulanka”.
Chelsea ayaa kulankii hore guul wayn Stamford Bridge kaga gaadhay kooxda Leicester City wuxuuna Conte aaminsan yahay in kooxdiisa Blues ay horumar wayn samayn ka samayn doono kulamadii Liverpool iyo Arsenal ee ay Blues guuldarooyinka xumi ka soo gaadheen kooxaha waa wayn.
Conte oo horumarka kooxdiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan doonayaa in aan axada arko horumarka marka la barbar dhigo kulamadii Liverpool iyo Arsenal. Kalsooni ayaan ku qabaa in aan samayn doono. Waxa uu noqon doonaa kulan tatiko ah, laakiin jamaahiirta ayaa qayb wayn ka ciyaari kara waxayna noqon karaa faa’iido”.
Intaa kadib Antonio Conte ayaa sheegay in uu ixtiraam u hayo Mourinho isla markaana uu u qalmo in si fiicna loo soo dhaweeyo wuxuuna yidhi: “Anigu ixtiraam wayn ayaanu hayaa Mourinho, waxa uu u qalmaa soo dhawayn fiican. Waxa uu nin muhiim ah ka ahaa Chelsea wuxuuna qoray qayb ka mid ah taariikhda kooxda”.
Laakiin Conte ayaa sheegay in marka ay ciyaartu bilaabanto in Mourinho uu la mid noqon doono ciyaartoyda Manchester United isla markaana uu cadaw noqon doono wuxuuna yidhi: “Marka aad saddex koob ku soo guulaysato waxaad galaysaa quluubta jamaahiirta waana wax iska caadi ah taasna wuu u qalmaa, laakiin marka ay ciyaartu bilaabanto waxa uu la mid noqon doonaa ciyaartoyda kale ee Manchester United, wuxuuna noqon doonaa cadaw kubbada cagta ah”.