Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Dhawaaqday Abaar Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland.

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay abaarta ka jirta gobollada Bariga Somaliland oo nolosha dad iyo duunyoba saamaysay isla markaana baaq qeylo dhaan ah u dirtay ganacsatada reer Somaliland kana codsatay in ay dadkooda baahan wax taraan.waxaanay xukuumaddu dhankeeda gaadhsiisay deegaano ka tirsan gobolada Bariga Somaliland raashin gurmad ah oo isugu jira sonkor iyo saliid.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Prof Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) oo xalay ugu waramay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in abaartu ay ka jirto bariga gobolka Saaxil,Sanaag,Badhan,Sool iyo qeybo ka mid ah gobollada Buuhoodle iyo Togdheer.

“Deegaano badan ayay abaartu ka jirtaa haba sii kala darnaadeen e,waana gobolada Bariga Somaliland oo roobabku ku yaraayeen dhawr sano isla markaana aanay wax baad ahi ka bixin oo ay xooluhu ku noolaadaan, waxaanay ka jirtaa bariga Gobolka Saaxil,Sanaag,Badhan,Sool iyo qaybo ka mid ah gobolada Buuhoodle iyo Togdheer. Xooluhuna aad ayay u jilicsan yiihiin meelaha qaarna xoolo baxay oo dhintay ayaa la soo sheegayaa markaa ALLE ayaan waydiisanaynaa in uu abaarta inaga soo jabiyo oo uu inoo naxariisto,naxariista ALLE oo kaliya ayaa lagu baahi baxaa oo lagu dhergaa,marka aynu isu naxariisano ee kuweena jilicsan ee abaartu ku habsatay ee xoolohoodii iyo iyaguba ay tabaalaysan yihiin aynu u naxariisano ayuu ALLE,na inoo naxariisanayaa markaa waxaan ugu baaqayaa dadka tijaarta ah ee reer Somaliland in ay walaalahood u gurmadaan oo ay gacan u fidiyaan, Xukuumadduna waxba kala hadhi mayso oo imikana Sonkor iyo saliid ayaanu deegaanada qaar gaadhsiinay baahiduna way jirtaa magaalooyinkana lagu noolaan maayo haddii miyiga lagu lee’do markaa nolosha miyi iyo magaalo way isku xidhan tahay waxaanan u soo jeedinayaa in ay gacan ka geystaan taakulaynta dadka iyo xoolaha lagu badbaadinayo,”ayuu yidhi Mr. Faratoon.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd sida uu u arko xildhibaano iyo siyaasiyiin ku eedeeyay wasiirka go’aamadii xukuumaddu ka soo saartay shaqaaqadii deegaanka degmada Ceel-afwayn ku dhex martay beelaha walaalaha ah oo ay ku sheegeen in ay dadka ku culus yihiin go’aamadaasi,waxaanu yidhi “Horta anigu nimankaa waxba odhan maayo oo dadkii deegaanka ee aanu xukunka ku ridnay ee go’aamadu ay ku socdeen ee lagu xukumay ayaa u jawaabay oo yidhi go’aamadaasi waxay ahaayeen xalka kaliya ee naftayada ay Xukuumaddu ku kala badbaadisay waanan qaadanay nimankaa markaa jawaab intaa dadku yidhaahdeen ayaaba ugu filan waliba badankooduna markii xukunka la soo saaray goob joog ayay ka ahaayeen markaa dad si qaldan wax u wada waxba odhan maayo deegaamadii la baabiiyay dadkii lahaa ee laga dumiyayna qiimihii ay noqdeen ayay Xukuumaddu u celisay deegaankiina waa nabad oo dhibaato kama jirto cid kasta oo isku dayda in ay ka ridana ka ogolaan mayno.”

Wasiira oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shaqaaqadii Wajaale iyo halkay ku dambaysay,ayaa yidhi. “ shaqaaqo kooban ayay ahayd oo sababta dhimashada hal qof waanan ka xunay in shaqaaqo dad inagaga dhintaa ay dalka ka dhacdo iyadoo aan qadarka iyo geerida cidina baajin karayn laakiin aad ayaan uga xunahay ka dawlad ahaan imikana hawshaasi meel wanaagsan ayay maraysaa wax dhibaato ah oo hadda ka taaganina ma jirto.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...