Maal-qabeen Huteelo La Dego Ka Dul Samaystay Meeraha Hawada Sare Ee Meerkuri Dhawaana Dadka U Ogolaanaya In Ay U Safraan Iyo Qiimaha Lagu Tagi Karo Oo Shaaca Laga Qaaday

Date:

Maal-qabeen tadhahay oo u dhashay waddanka Maraykanka laguna magacaabo Elon Mask ahna mulkiilaha shirkadda caanka ah ee hawada sare ee Space X ayaa galabnimadii Arbacadii aan soo dhaafnay waxa uu si cad shaaca uga qaaday in uu ku guulaystay qorshe uu dhawr huteel oo la dego kaga furtay meeraha sare ee loo yaqaano Mercury kaasi oo uu uga gol leeyahay in uu ka ganacsado in dadku dalxiis ahaan meerahaasi ku tagi karaan isaga oo qolal uu meerahaasi ka dul dhisay ku diyaariyay qalab layaab leh oo dadka u sahlaya in mudada ay doonaan ku dul noolaan karaan meerahaasi isaga oo sheegay in qorshihiisu yahay in tobanka sano ee soo socda si rasmi ah loogu dalxiis tagi karo meerahaasi qiimo lacageed oo aan ka badnayn 200-kun oo dollar qofkiiba.

Hadalkan waxa uu maal-qabeenka Elon Mask ka hor jeediyey shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayay xaaladda Meeraha caanka ah ee Mercury (Mariikh), sida ay dadku u tagi karaan iyo arrimo kale oo ku saabsan dalxiiska dhinaca hawada sare oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 2-kun oo qof oo ay ku jiraan 67 Cir bixiye ama ah ragga dayac gacmeedka u raaca hawada sare oo ka tirsan wakaaladda Hawada Sare ee NASA. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Guadalajara ee dalka Mexico.

Maal-qabeenkan Ameerikaanka ayaa shirweynahaaasi ka sheegay in uu ku guulaystay qaybta koowaad dhisamayaal laga dul qotomiyey meeraha Mercury oo si deggan loogu dul degi karo laguna noolaan karo isaga oo sheegay in uu sidoo kale dhamays tiray dayac gacmeedyada ay shirkaddiisu soo saartay oo si habboon oo raaxo leh hawada sare loogu safri karo looguna tagi karo Meeraha Mercury iyo meerayaal kale oo ka fogba isaga oo sheegay in dayax gacmeedyadaasi ay ku safri karaan xawaare ka badan 100-kun oo Kiiloo Mitir saacaddiiba iyaga oo anay darajada kulaylkoodu dhaafayn 1650 Degree Celsius.

Maal-qabeen Elon Mask ayaa sheegay in qalabka ay xidhan doonaan dadka u safrayaa meerahaasi iyo goobaha ay degayaan lagu rikibi doono qalab ay si raaxo leh uga dhex neefsan karaan hawada oksajiinta ee ay u baahan yihiin iyadaoo dayax gacmeed kasta oo shirkaddani ay dadka saaraysaa ay halkii marba qaadi karto safarkeeda tiro dad ah oo dhan 200 oo qof kuwaasi oo guryaha meerahaasi laga dul dhisay ka heli kara cuntooyin, goobo la seexdo, iyo meelo lagu maydho oo dhammaantood leh hawo Oksajiin ah, daawooyin, adeegyo kala duwan iyo arrimo kale oo lagama maarmaan u ah nolosha ka suurto gali karta meerahaasi dushiisa inta ay doonaana ay ku maqnaan karaan. Wakaaladda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa sheegtay in ay adduunka uga baahan yihiin wada shaqayn si mashruucani u guulaysto.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...