“ Waa soo dhawayn wanaagsan oo aad u diiran weeye, waana lagu yaqaanay beena maaha reer Birmingham, ama UK-ba guud ahaan leemaheeda kala duwan, wuxuu yidhi ninkii jiray “ Allow habarta si ma loo aasay? iyo waa hadii axankuna raaco.” soo dhawayntu waa wanaagsan tahay laakiin sagootis iyo shaqada kale yey idinka xumaanin.
waa gar reer Birmingham haday xilalkii qurbejooga laamahooda marka loo eego u badsadeen, hawshana ha u badsadeena waa gar, waana muuqan doontaa inay sidaa ahaan jireen oo waxaas ay la soo baxeen iyo inay si kale u badsadeen iyana way iska muuqan doontaa, Cukuse-na waxaan leeyahay waa daw.
midna waan taageerayaa Wasiir Xagle-toosiye kaftankii uu abtigii kula kaftamayna waan taageerayaa ee ahaa daraawiishana ha lagu darro mujaahidiinta, isna waan akidayaa, waxaan leeyahay bal meel uun ka soo gali iyagana, Dastuurkeena hor dhaciisa oo dhan waxa ku jira intaan halgankii SNM la xusin Daraawiish, malaa qoladan Seediyaashay-na aadba uma eegaan, mujaahidkaa SNMta ayuubaa ku qufulan. markuu tixgaliyey, gogol xaadh badan ayaa ku jira dastuurka, halgano badan ayaa ku jira oo kii Daraawiishtu u horeeyo iyo kii SNM.
Shirkani waa shir xisbi, dadka halkan fadhinaya anigu reer Birmingham ayaan ahoo waan aqaanaa, waa laga yaabaa in oday oday soo hiyi raacay inuu ku jiro, laakiin shirku waa muuqdaa oo waa shir xisbi KULMIYE ah weeye, markaa hadalkeenu xisbigi weeye. Xisbigu maanta lix sano iyo bilo ayuu Somaliland ka talinayey, xisbi maanta la sharaxayo mabaadiida uu aaminsan yahay iyo waxa uu u taagan yahay maaha. KULMIYE waa xisbiga kaliya ee maanofeesto siyaasiya qortay taariikhda Somaliland, waataa maanta lagaga wada dayday, maanofeestadiisii labaad dhawaanbuu soo bandhigi doonaa, kuwa mucaaridkana waa la arkay ka KULMIYE-na waa la arki doonaa.
KULMIYE tartanka iyo doorashaba maanta waa u diyaar, dabadana ma hayno, waxaynu diyaar u nahay inaynu doorasho xalaal ah dalkan ka qabano, masuuliyada inagaga beegana aynu qabano, haday doorashooyinkii hore dib u dhaceena KULMIYE dib uma ridin ee sabasabo farsamo ayey dib ugu dhaceen, haday maanta kala hadheen labada doorashano sababo farsamo ayey u kala hadheen oo ah kuraastii golaha Wakiilada sidii loo qaybsan lahaa Somaliland-na ugu midoobi lahayd, waxa uu Madaxweynuhu tixgaliyey in markii ay adkaatay golahii wakiiladda ee u xil saarnaa inuu qaybiyo kuraastaa xeerkeediina diyaariyo markii ay ku adkaatay inuu arintaa sameeyo mudo dheerna uu horyaalay.
Markii ay adkaatay in sadexdii xisbi ee tarmayey inay qorshe cusub keenaan tii hore uu jirnatna isku raacaan. marka si kale loo dhigo sadexdii nin ee murashaxiinta ahaa ee uu caawa Muuse inagala joogo ay arintii saameyn ku yeesheen wuxuu yidhi “ waar maxaa Geela loo dhicin waayey? oo uu yidhi waa laga baqay, oo yidhi maxa meesha looga talin waayey oo uu yidhi waa laga xishooday”, sidii hore kuraasta ha loo daayo nin yidhaana waa la waayey, macaa qoladaas qaylimaysa ee leh yaan la kala reebin, ee Gudoomiyaha Waddani uu Gudoomiyaha Wakiilada-na yahay, way ku dhici kari waayeen inay yidhaahdaan sidii hore ha lagu gallo waanay keeni kari waayeen inay yidhaahdaan si cusub baanu haynaaye gobolkaas intaas ha laga soo jaro ama gobolkaas intaa ha lagu darro.”
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Guul Umadda Somaliland.
Guul Xisbiga KULMIYE.