Salaan kadib uma lihi aqoon xeeldheer balse maadaama oo ilaahay SW inagaga duway makhluuqaadkiisa kale fikirka iyo fiirsiga tan iyo maalintii aan kasoo farabaxnay xaynkii hooyo wax ayaad ufiirsanaysay haba kala duwanaadeene . waxan dhugtay oo aan lafo guray dhaman bulashada inagu xeeran ee kala gedisan iyo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta mid ka mid ah iyadoo aad ogaanayso markaad dhexgasho bulsho kala diin ah oo kala dhaqan oo kala midab ah oo ay jiraan wax badan oo ay ku kala duwanyihiin tassoo dhaman aan ogaadey in ay kasimanyiin waxyaalaha daciifiya shaqada maskaxda
Hadaba halkan waxaynu kusoo ururin doonaa 11 qodob oo waxyaalaha shaqada maskada daciifiya ka mida :
- Dheef Qaadasho La,Aanta Subaxa (No Breakfast): dadka badanka aan qaadan dheef ku filan subaxii ama iskaba daayaba waxay halis u yihiin blood pleasure koodu hoos uga dhaco heerkii la rabay . protein kuna ku yaraado taaso maskada daciifisa. Xanuunada laga qaado waxa ka mid ah faham la,aan , dhiig yaraan , isu dheelli tirni la,aan , iyo in awoodaada maskaxdu aad hoos u dhacdo taas oo sababaysa in ay kugu yimaadaan xanuunadaa aynu kor ku xusnay maxaa yeelay maskaxdu waa engine oo kale engine kuna petrol ayu u baahanyahay maskaxda petrolkeedu waa dhiigga .
- Cunida Badan (Over Eating): in aad xadka dhaafiso waxaad cunayso ood six un uga dharagto waxay sababtaa in maskadu waxba shiili waydo fakari waydo xasuusutu ku yaraato wax is waydiintu ku yaraato taasoo ku keenta hoos u dhac ku yimaada mental power
- Qiijinta (Smoking): tan hadii aynu nahay Somali aad aya laynoogu imtixaamay qiijintu dhibaatooyin badan ayy caafimaadka u gaysataa waxay daciifisaa awoodaha iyo difaacyada ilaahay inoo siiyey in ay inaga xakameeyaan xanuunada . meelaha u badan ee qiijintu jidhka bini Aadamka ka disho waa maskaxda oo ay ku sababto in maskaxdu ururto oo yaraato oo ay koobnaato kadibna xanuuno uu ekeeno qiiqu .
- Sonkor Badan Oo Kugu Ururta (High Sugar consumption): isticmaalka sonkor badan kadibna aanad gubin sonkortaas waay khalkhal galisaa unugyada nuuga proteinska iyo cuntada tassoo aakhirka keeni karta xanuuno badan sida maskaxda oon shaqayn oo awoodeeda hoos u dhac weyni ku yimaado maxaa yeelay way mashquushay.
- Hawo Xumaanta (Air Pollution): waa mid kamida waxyaalaha aan u fiicnaan healthy-ga maskaxda hawada aad qaadanayso maadaama oy sii mareyso maskaxda saamayn weyn ayey ku leedahay hab sami socodka maskaxda. Maskaxdu hawada aynu qaadano qaybta u badan iyadaa isticmaasha hadii aynu qaadano hawo aan nadiif ahyn maskaxdu waxay joojisaa hawadii ay jidhka intiisa kale u qaybin jirtey taasoo ay sababtey anuuno ku yimaada maskada.
- Hurdo Yaraanta (Sleepless): hurdadu maskaxdeena way dejisaa oo firfircooni ayey siisaa hadii ay hurdo laan badani iska daba timaado maskada ayaa ay keentaa anuuno ay kamidyihiin niyad jab iyo faham waa ……
- Madaxa Ood Marada Ku Daddo Markaad Hurudo (Head Covered While Sleeping):madaxood daddo markaad hurudo waay ku keentaa cabudh iyo carbon dioxideka oo waaya meel uu ka baxo waaany yaraysaa helida oxyginka taaso keenta dhaawac ku yimaada maskada.
- Shaqada Ama Hawsha Xiliga Xanuunka (Working Your Brain During Illness):shaqo badan ood qabato sida waxbarasho badan amah awl badan adoo xanuusanaya waxay keentaa shaqo joojin ku timaada maskaxda.
- Feker La,aanta (Lacking In Stimulating Thoughts): fekerku waa habka u wanagsan ee maskaxda ka ilaaliya xanuuno badan .hadii maskaxda aan lga shaqaysiin way yaraataa oo soo koobantaa.
- Hadal Yaraanta(Talking Rarely): hadalka badani sidiisaba maskada iyo qofkaba waxby yeelaan waa markaanu wax macno ah ku fadhiyin lakin wada hadallada caqliga ku salysani waxay kordhiyaan maskaxda ooy koriyaan kana ilaaliyaan xanuunada
- Hurdo Badnaanta (Over Sleeping): siday hurdo yaraantu aanay ugu fiicneyn maskada ayaanay hurdo badnaantuna ugu wanaagsanyn oo waay ku keentaa maskaxda in awoodeeda shaqo hoosu dhac weyni ku yimaaado.