Dumarka Sacuudiga oo Bilaabay olole ay ku doonayaan in la joojiyo sharciga dumarka wakiilka laga yahay

Date:

Dumarka kunool Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in lagu joojiyo sharciga dhigaya in Dumarka kunool dalkaasi uu wakiil ka noqdo nin ehelkooda ah tilbaabo kasta ay qaadayaan.
In ka badan 14,000 oo dumar ah una dhashay Sacuudiga ayaa saxiixay baaq ku aadan la joojiyo in dumarka uu nin wakiil ka noqdo wax walbo ay sameenayaan, waxa ayna tilmaameen in arintaasi dumarka ku tahay xuriyad la’aan.
Dumarka Sacuudiga ayaa waajib waxaa ku ah in ay fasax ka heestaan nin wakiil ka ah marka ay shaqo raadsanayaan , waxbaranayaan ama marka ay safar galayaan, qofkii aan wakiil heysana waxba uma suurto galayaan.
Ololahan cusub ay bilaabeen Dumarka Sacuudiga ayaa hada ku xoogeestay baraha bulshada kuwada xariirto gaar ahaan Bogga Twitteka, waxaana la sameeyay haashtaag u gaar ah olalahan cusub ay wadaan dumarka Sacuudiga.
Mid kamid ah Haweenka u ololeenaya qorshahan dumarka xuriyada ku dalbanayaan oo lagu magacaabo Caziiza Al Yuusuf ayaa sheegtay in ay Dowlada u gudbiyeen codsigooda ayna dareemeyso farxad, waxa ayna tilmaantay in ay sugayaan jawaabta arintan laga siiyo.
Sharciga Sacuudiga yaala ayaa dhigaya Dumarka marka ay doonayaan in ay qaataan Baasaboor ama guursadaan iyo tilaabo kasta ay qaadayaan in la helo ogolaanshiyaha Aabahood, Walaalkood, ama raga qaba.
Dumarka ayaa sidoo kale looga baahan yahay wakiil looga noqdo goobaha shaqada, Jaamacadaha , marka ay guri kireesanayaan , dhaqtar aadayaan iyo marka ay sharci wax ku codsanayaan, dumarka ragooda dhinteen ayaa iyana waxaa wakiil ka noqonaya wiilashooda waa weyn.
Raga Wakiilka ah ayaana la sheegay in wax walbo ay gacantooda ku jirto ayna ka hor istaagi karaan Dumarka hadii ay u arkaan mid aan wanaagsaneyn, waana mida hada dumarka ku doonayaan in ay ka xuroobaan in wakiil laga noqdo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...