Dal Shaaciyey Inay Tijaabo Ahaan Ugu Guulaysteen Hirgelintii Mashruuca Yaxaasyada Loo Adeegsanayay Ilaalinta Maxaabiista

Date:

Waddanka Indonesia ee qaaradda Asia oo badhtamihii sannadkii aan soo dhaafnay ee 2015 ku dhawaaqay in uu hirgelinayo mashruuc lagu dhisayo xabsiyo ay ilaalo ka noqon doonaan Yaxaasyo la carbiyey oo ay maxaabiista ilaalin doonaan ayaa toddobaadkan shaaciyey in ay qaybtii koowaad ee hirgelinta mashruucaasi tijaabadiisa ku guulaysteen kadib markii la soo af-jaray tababarkii la siinayay Yaxaasyada la doonayo in loo carbiyo ilaalinta Maxaabiista ku xidhan xabsiyada la doonayo in ay ilaaliyaan.

Masuul u hadlay ciidamada ammaanka ee gaar ahaan ka hortagga iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka ayaa sheegay in xabsigaasi gaar u noqon doono Maxaabiista lagu qabto ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyayaasha. Afhayeen u hadlay wakaaladda la dagaalanka iyo ka hortagga Daroogada dalka Indonesia ayaa sheegay in Yaxaasyada loo carbiyey ilaalinta dadka ku ibtiloobay isticmaalka iyo ka ganmacsiga Mukhaadaraadku noqon doonaan Yaxaasyo gaajaysan oo dad qaad ah mudada ay maxaabiista ilaalinayaan hab isku badal ahna Yaxaasyada loo kala wareejin doono iyada oo labada galin ee maalintii iyo haweenkii ay saddex qaybood oo yaxaasyo ahi xabsi walba ilaalin doonaan iyaga oo gaajaysan. Yaxaas kastaa waxa uu isku dayi doonaa Maxbuuskii ku fikira in uu baxsado in uu ilaashado oo cuno haddii uu maxbuusku isku dayo in uu baxsado. Afhayeenkan ayaa sheegay in dalka Indonesia laga soo ururiyey oo qiimayn lagu soo qaatay Yaxaasba Yaxaaskii uu ka camal xumaa ee uu ka dad iyo xayawaan cunis badnaa. Kuwaasi oo imika tiradoodu ku dhaw dahay 17 Yaxaas oo kala daran ahna Yaxaasyadii ugu khatar badnaa dalkaasi Indonesia. Wadanka Indonesia ayaa la dagaalan adag iyo ka hor tag waxa uu ku wadaa dhibaatooyinka daroogada iyo dadka ka ganacsada oo kordhayay sannadihii ugu dambeeyey taasoo keentay in maxaabiista loo soo qabto falalka daroogada ahi xataa askartii ilaalinaysay ay barayaan daroogada sidaana ku baxasadaan mar walba oo la soo qabto sidaa darteed ay wakhtigan u adeegsan doonaan in maxaabiista daroogada lagu soo qabto loo dhisi doono xabsiyo laga dhex dhiso goobo biyo fadhiisin ah sida Haraha biyuhu fadhiistaan iyo goobaha ay ku shubmaan biyaha wabiyada ee qunyar socdaa. Xabsi kasta oo biyaha laga dhex dhisay waxa lagu wareejin doonaa tobanaan Yaxaas oo gaajaysan oo dad cun ah kuwaasi oo maxaabiista isha ku hayn doona kii baxsasho isku dayana qudha ka jari doona.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...