Arsenal ayaa Emirates Stadium ku dubatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Chelsea, waxayna Arsene Wenger iyo kooxdiisa Gunners gaadheen guul aad muhiim ugu ah xili ciyaareedkooda. Arsenal ayaa guushan ku gaadhay 3:0 iyada oo Chelsea kaga gacan saraysay kulanka London Derby ee ay labada kooxoodba ku doonayeen saddexda dhibcood ee muhiimka ahaa.
Arsenal ayaa shaqadeeda ugu badan qabsatay qaybtii hore ee kulankan iyada oo 14 daqiiqo gudahood kula timid laba gool oo ay Chelsea ku niyadjabisay waxaana kulankan Chelsea dhibaato wayn u horseeday Sanchez iyo Ozil oo min hal gool dhaliyay iyada oo goolka kale Theo Walcott uu goolka kale dhaliyay.
Kadib markii ay Arsenal ku soo fashilantay in ay Chelsea wax gool ah ka dhaliso lixdii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier Leaque-ga ayay kulankan laba gool ku dhaliyeen 14 daqiiqo oo kaliya iyada oo waliba labada gool ay udhaxaysay 2 daqiiqo iyo 21 ilbidhiqsi oo kaliyi.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Arsenal XI (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Coquelin, Cazorla; Walcott, Ozil, Iwobi; Sanchez.
Kaydka: Begovic, Alonso, Chalobah, Moses, Oscar, Pedro, Batshuayi.
Chelsea XI (4-2-3-1): Courtois; Ivanovic, Cahill, Luiz, Azpilicueta; Kante, Matic; Willian, Fabregas, Hazard; Costa.
Kaydka:Ospina, Holding, Gibbs, Xhaka, Oxlade-Chamberlain, Perez, Giroud.
Arsenal ayaa qaybtii hore ee kulankan soo badhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waxayna neefsadada u udiiday kooxda martida ahayd ee Chelsea oo qaybtii hore ee kulankan ku dhibtootay. Gunners ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo markiiba bilawday inay si qurux badan kubbada iskugu dhiibto isla markaana ay fursado raadiso. Sidoo kale Chelsea ayaa bilawgii u muuqatay in ay dhibaato u horseedi karto Arsenal balse taasi may noqon wax garoonka lagu arkay.
DAQIIQADII 11 AAD GOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee dhibaatada wayn u horseeday Chelsea, waxaana Gunners gool uu si cajiib ah udhamaystiray hogaanka ugu dhiibay Alexis Alejandro Sánchez kaas oo Gary Cahil ku ciqaabay qalad xun oo uu sameeyay, wuxuuna Sanchez kubbad qurux badan uu ka dulqaaday Courtios oo isku dayay in uu kubbada badbaadiyo, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Gunners hogaanka xili hore kula wareegtay.
Ciyaartoy sida Sanchez oo kale u deg deg badan in aad qaladkii uu Gary Cahill sameeyay aad gashaa waxay si dhab ah kooxdaada u keeni kartaa dhibaato wayn, waana wixii ku dhacay Cahill oo kubbad hadiyad ah siiyay Sanchez oo kubbad ka dafay xidiga ree England. Qaladkan ayaana Cahill ku riday niyadjab wayn.
DAQIIQADII 14 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa si deg deg ah kula timid goolkeeda laabad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay waxaana si layaableh looga shaqeeyay Gunners hogaanka ugu dheereeyay Theo Walcott kaas oo kaliya u baahday in uu kubbada ku gaadhsiiyo shabaqa Blues kadib markii uu Héctor Bellerín sameeyay gool caawinta Walcott isla markaana uu kubbada soo hormariyay goolka oo uu Walcott kubbada ku horsugayay markale difaaca Blues ayaa hurdo dheer seexday, ciyaarta ayaa noqotay 2:0 ay Gunners markiiba hogaanka ku dheeraysatay.
Alex Iwobi iyo Héctor Bellerín ayaa door wayn ku lahaa goolka labaad ee Arsenal inkasta oo markii horeba kubbada si wada jir ah loo soo dhisay. Arsenal ayaa noqotay kooxda wax kasta garoonka ka samaynaysay iyada oo culays badan ku abuurtay difaaca Chelsea. Labada gool ee Arsenal ayay u dhexaysay 2 daqiiqo iyo 21 ilbidhiqsi oo kaliyi.
DAQIIQADII 22 AAD Chelsea ayaa ku dhawaatay in ay ciyaarta dib ugu soo laabto kadib markii ay Hazard iyo Costa si fiican iskugu soo xidhmeen laakiin darbo uu Willian ku tuuray goolka Arsenal ayaa wax yar u martay goolka laakiin ciyaartoyda kale ee Chelsea ayaan kubbada sii raacin.
DAQIIQADII 32 AAD Arsenal ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay waxaana ciyaarta sii wadan kari waayay Francis Coquelin waxaana lagu soo badalay saxiixa cusub ee Granit Xhaka kaas oo qaab ciyaareed fiican soo badhigay labadii kulan ee hore oo uu ku jiro Leaque Cupku.
DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Arsenal ayaa xaalada ku sii xumaysay kooxda martida u ahayd ee Chelsea waxaana goolka saddexaad ugu qubeeyay Mesut Özil oo ay si cajiib ah weerar deg deg ah u soo wada qaadeen Alexis Sanchez, wuxuuna Ozil ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Arsenal ku dubanayso Blues. Markale ciyaartoyda Chelsea ayaa kubbada lumisay iyada oo sabab u noqotay in Ozil iyo Sanchez ay kubbad weerar deg deg ah ku dhibaateeyaan kooxdooda Blues.