Saaxiibtinimada iyo damaca jacaylka!Sheeko Xiiso Badan

Date:

Xamse  axmed iyo xasan waa sadex saaxiibo ah xiidhiidhkooga saaxiibtinimona uu ka dhowyahay walaaltinimada maalin maalmaha ka mida oo ciida oo jawigu aad u qurux badanyahay dadkuna wada faraxsanyahay ayaa ay ka baxeen caasimada hargaysa ee somaliland waxa ay u socdeen gobol ka mida gobolada somaliland oo ay farxada ciida la soo qaybsanayeen waalidiintoodii iyo asaxaab iyo akhiyaar ay kala raageen.Waxa ay hargaysa ka baxeen abaaro 11: 30 duhurnimo oo ay gaadhiga raaceen.sadexda saaxiibo, waa sadex isku kaftan ah isku hadala waa sadex aad jeclaysanaysid marka aad la kulantid sida ay u sheekaysanayan siday u kaftamayaan iyo jawigooda guud. Si kastaba ha ahaatee sadexdii saaxiib waxay sii shekaystaanba jawigiyo neecawda qurxoon dhulka buuraha iyo dooga bilicda iyo soojidashada leh siidaawadaanba waxa ay gaadheen halkii ay naftu tabaysay ee ay u hanwaynaayeen waa caasimada gobolka awdal ee borama saacadu waa 4:30 galabnimo sadexda saaxiib waxa baabuurka la saaran oo socdaalka ku weheliya hablo dalxiis ah oo ay hargaysa ka wada baxeen.  Si kasta ooy ahaatoba gaadhiigii ayaa laga dagay sadexda saaxiib waxay  indhaha la raacayaan jawiga guud ee magaalada oo intii ay ka maqnaayeen aad isku badalay  Mid ka mida hablii dalxiiska ahaa ayaa ka codsatay sadexda saaxiib in aanay ka tagin oo ay hudheel magaalada ku yaala dajiyaan maadaama oo habluhu ku cusub yihiin  magaalada waa ay ka aqbaleen gaadhigii ayay ku noqdeen dilawarkii gaadhiiga ayaa ay amreen in uu geeyo hotelka ugu wayn magaalad oo lagu magacaabo rays waanu ka aqbalay.

Sadexda saaxiib markay hablihii hotelka dajiyeen.mid ka mida ayaa ka hadhay oo hablaha soo kala barayay hotelka. Waa xamse ee Labadii kale waa ay soo baxeen waxay sadexda balantoodu tahay barkulanka  magaalada.  Xasan iyo axmed waxa ay abaareen halkaa iyo xaafadii xasaniyo inta ay dhexda sii socdeen  xasan kolba dhanbuu jaleecayaa,   Saaxiib axmed halkaa miyaad garanaysaa waa garoonkii aan yaraan taydii kubada ku ciyaari jiray. erayadaa iyo qaar kale ayaa uu xasan saaxiibkii ku tuurayay xasan wax yaabaha aadka u xiisaha  galiyay waxa ka mid ahaa dhalinyartii uu ogaa iyagoo ciyaala oo cirkaa wada maray kolba midka uu arko ayaauu fiiro gaara u yeelanayaa  sidaas oy tahay.  xasan xaafadoodii ayaa uu soo gaadhay isla markii uu albaabka ka galayba waxa uu indhaha qac ku siiyay hooyadii macaan oo mudo badan aanu arag xasan iyo hoyadii aad bay isugu dhagdhageen ,wada sheekaysi iyo isxaal waraysi xasan iyo  hoyadii dhex maray ka bacdi xasan waxa uu saaxiibkii axmed ku yidhi hooyo la sii joog

oo u sii sheekee .xasan waxa uu abaaray jaarkii xaafadooda iyo asaxaabtiisii waayo waayo oo uu dhamaan soo wada salaamay. xasan waxa uu dib ugu noqday saaxiibkii axmed iyo hooyadii  saaxiib axmedoow ina mari xamse iyo dad kaloo badana waa ina sugayaan hooyo baraan ku noqonaynaa… Sidaa ayay xaafadii kaga soo baxaayaan iyaagoo u soo jihaysan xagaa iyo suuqa oo ay xamsena ku balansanayeen- iyagoo dhexda kujira oo iska sheekaysanaya ayaa waxa soo dhacaya telefonka xasan ee gacanta. helow haa waa tuma walaal m c n miyaad igaranayn  waa hibee ala m c n hibo iga raali ahaw hoosba uma eegin lanbarkee waan qabtay uun xabiibi m c n maanta aad baan u faraxsanhay waayo agtaadan joogaa m c ne maad igu ciyaaraysaa  oo ma boramaad joogtaa haa waliba waxan jooga xaafada sheekh cali jawhar. Oo anba gacaliye sheekh cali jawhar   baan joogaa  macaan imika xaga suuqa ayaan u socdaa ee wakhtima ayaynu kulanaa.

Macaane  aniguba suuqa waan imanayaa   ee waan ku soo garaaci    waayhay  xabiibi macaan  waan ku sugayaa.

sikastoy ahaataba xasan iyo axmed waxay u soo dhaqaaqeen xagaa iyo suuqa oo ay ku balansanaayeen xamse iyo waliba gacalisadiisa hibo waxa ay heleen baabuur oo ay halkii suuqa kaga degeen, gaadhigii markay ka degeen waxay ku yara leexdeen gurigii xasan walaalkii waxoogaa salaan iyo isxaalwaraysi kabacdii waxa ay telefonka kala hadleen xamse oo isna u sheegay in uu joogo macmacaanle lagu magaabo camuud oo ay ugu tageen halkii ayaay sadexda saaxiib ku yar wada sheekaysteen oo arima hoogana ku faalaanqeeyeen, xasan waxa uu usheegay labadii saaxiib in ay balansan yihiin qoftisa hibo ayna kulmayaan     iyaguna ay iska sii sheekaystaan uuna ku soo laaban doona.  wax yar ka dib xasan telefankiisa ayaa  soo gacay markuu lanbarka hoos u eegayna waaba gacalisadiisa hibo, helow haa walaal m c n hibo halkeed joogtaa macaane waxaan imika baska kaga dagay jaamacad eelo ee macaane adigu halkeed joogta macaan kaama fogiye halkaa aan kuugu imaade  i sug.xasan iyo hibo waa laba qof oo xidhiidhkooga jacayl uu ahaa hawada waxa ay iska barteen telefonka waxay ubaxooga jacayl ku beereen ku wada sheekaysiga telefoonka aasaaskii jacayl kooda ilaa iyo qolof dhacsigiisa imika waa kulan koogi ugu horeeyay, waa kulan xiiso gaara leh.

waa kulan ay kulmaayaan laba beer oo isku nugul waa kulan ay kulmayaan laba waji oo isku ooman waa kulan ay kulmayaan laba dareen oo isasoo jidanaya.  xasan waxa uu ugu yimid halkii ay hibo joogtay waxa la isula dhagay xumad jacayl oo xidido dhiigraca leh muxubo gal.gacayl oon la soo  koobi Karin.   Iniin jacayl oo in badan uurkooga ku gaaxsanayd.Xasan iyo sidan. xabiibi m c n hibo caawa aad baan u faraxsanahay maadaamo aan la jooga qofti aan nolasha uga jeclaa oon inbadan riyo kula noola anigoona arag. macaane anba sidoo kale, kolka hab laysa siiyo ee laabta la isku qabtaba hadana cabaarbaa inta labada waji layska hor geeyo indhayaal jacayl oo  ilmadu qubanayso la isku eegaa hadana hab laysa siiyaa. labada lamaane habeenkaasi habeen xusuus gaara u leh ayuu u ahaa.   kastaba ha ahaatee xasan  gaclisadiisa hibo waa uu kaxeeyay waxawna saaray baskii xaafadooda tagayay.

xasan waxa uu dib ugu soo noqday labadiisa saaxiib, saaxiibayaal iga raali haada galgacaylka ila taraaree,xasanoow saaxiib malaha salaantiina waad nagala masuugtoo  dumaashidayo nagamaad gaadhsiin.  saaxiibayaal tayda horteed baan tiina qadimay aadna waa la idin soo salaamayay.sadexda saaxiib kaftan ka dib waxay u baqooleen xaaga iyo xaafadii xamseyo oo aad loogu soo dhaweeyay. salaan xaafada ah ka dib waa ay casheeyeen.    Hurdo ayayna hore ka galeen iyagooy qorshaha ugu jirto  in ay bari la kulmaan gabadh ay waayo waayo  isku akhiyaar ahaayeen xasan iyo xamse oo ayaan lagu magacaabo.

Sadexda saaxiib  daalkii faraha badnaa oo ku soo baxay aawadeed  waxa ay si fiican uga bogteen hurdadii waxa ay kaceen   abaaro sadexdii galabnimo maydhmadhasho iyo qado ay wakhtigeedii hurdo dhaafisay ka dib waxa ay qorshaheeda galeen arinkii ay ku balansanaayeen ee la kulanka ayaan. xamse ayaa garaacay lanbarkii ayaan  walaal m c n ayaan ii waran.  walaal xamse waan fiicanahay ee maanta xagee lagu soo   qabtay waad isoo xasuusatee.  walaal booramaan joogaa farxada ciida awgeed inaan la qaybsado waalidkiyo asaaxaabta anigiyo garabkayga labaad ee xasan iyo waliba wiil kale. walaal m c n waxanu jeclaan lahayn inaanu bari noqono siduu qorshayagu ahaa.   ee inaan kulano ayaan jeclaa ee gurigii xasan walaalkii noogu kaalay waayahay walaal m c ne ayaan waxa ay ku soo booqanaysa sadexda saaxiib gurigay joogeen salaan diirimaad leh ka dib wajiyo kala baaday iyo asaxaab kala raagtay gudo galka sheekooyin hore iyo wax iska waydiin  wixii hada taagan sikasta ooy tahay ayaan waxa la socota oo ku lamaan gabadh saaxiibteed ah oo filsan lagu magacaabo inba gooni iyo wada sheekaysi.  ayaan  xamse iyo axmed waxa usocota sheeko durba meel xaasaasiya u maraysa.  waa xasan iyo filsan ee, waxa dhexmartay sheeko aad u xiiso badan waxayna u dhacday sida tan. walaal m c n filsan bal iiga waran waayahaga guud iyo isbadalada cusub ee iga danbeeyay.  Filsan walaal m c n xasan waayahayga guud iyo wuu iska fiican yahay ee walaal saad magaada uga tagtay magaaladiyo asxaabtiiba  waad ilowday ee dhab aantii xasanoow sheekadaadiyo hadalkaaga asaaxabtaan ka maqli jiray iyo waliba xidhiidhki adigiyo nimco degan. xasan walaal filsan waxaan kugu xasuustaahabeenkii igu kaa horaysay een ku arko xafladii arooskii nuuradiin dhab ahaanti waxaan kuugu qushuucay  ood iga yaabisa markaad ciyaaraysay dhalinyartoo dhan baad  sida giraanta  u wareejisay boqorada xaga ciyaartaan kuu aqoonsaday. Ee filsan caday  bal iiga waran xiisihiyo xarakaadka asaxaab tayda aad dabaday ku soo biirtay.Xasanoow asaxaabtu waa qayb nolasha ka mida oo lagama maarmaan ah la qabsigaygii hore ee xaga asaxaabtu hayska adkaadee.Hada se xubin firfircoon baaan ka ahay.Waxa aan u qushuucay oo naftayda xiisiyo farxad gaara galiyay.Marka aan arko ama indhahaygu qabtaan.Isjeeclaanta asxaabta dhexdooda isku kalsoonaanta ka dhex muuqata.kalgacaylka aan qiyaasta lahayn iyo muxibada isku lamaan ee ay  marwalba la dariska yihiin waa mid naftayda ku qasabtayinaanan marna ka maarmi Karin. Oo hadii aan daqiiqado ka maqnaado  aan dareemo walwal iyo fikir aan  qiyaas lahayn.   Kaftanku ha ila dheeradee bal war iga sii waayahaaga xidhiidh jacayl ee wakhtigan­­­­­.

filsan walaal m c n xasanoow hadii aan kaaga waramo halxidhaalahayga nolaleed iyo jacaylba, waxaan is idhaa jacaylku wajiyadiisu hadii uu noqonayo qofku qofkuu rabo eey naftiisu tabayso ka qaad ku aanu  riyo ku aragna la doono waa mid aad u dhibaato badan, macnaha waxan kaaga wadaa aniga shaqsiyadayda markii iigu horaysay waxaan jacayl u qaaday hal qof oon ku rajo waynaa hanashada qalbigiisa qofkaasi naftaydu waxay iska jeclayd marwalba inay aragto oon iskala farxo iskala kaftamo iskala qoslo laakiinse taasi waxay noqotay fikir iyo riyo aan kaligay qabo qofkaasi ima aanu dareensanayn boholyawga isaga ii haya, iima aanu dareensanayn in ay iigu dhantahay aragtidiisa iyo dhoola cadayntiisa, wuxuu ahaa qof markaan u soo dhawaw is idhaahdo iga sii dheeraanayay kaftan iyo sheeko la wadaag is idhaahdana iga doorbidayay asaxaabta kale kuna mashquulayay, yaanan kugu dheerayne qofkaasi wuxuu ahaa saaxiibaday ayaan inankay imika wada sheekaystaan ee cabdi wali. filsan walaal ii wad sheekada oo laakiinse xusustaa dheer seed isku ilowsiisay oo ku ilowday. Filsan xasanoow horta sidaad ku ilowdo qofka ugu horeeya ee aad jacayl u qaado way adagtahay laakinse hadii aad heshid qalbi daacada iyo qof ay ka dhabtahay inuu nolasha kula daadihiyo waad iloobaysaa wax walba oo ku soo maray saas ooy tahay. wax walba calafkaa ka wayn waxaan calaf isku yeelanay wiil  c/qaadir la yidhaahdo wiilkaasi mudo badan manaan wada sheekaysan kulanka yagii ugu horeeyay kii ku xigay wuxuu isoo bandhigay inuu i jecelyahay guur iyo mustaqbalna iga rabo. ana mayaba kama celin anigoo niyada ku haya riyadaydii beenawday al xaasil wiilkii waan is guursanay isla aqal galnay laakiinse markaan mudo wada joognay ayaan wiilkii wajiyo kale ku arkay anigoo waxwalba ku ogal dhib iyo dheefkastana kaga raaliya muhiimadana saaraya dhismaha reerkayga, saas ooy tahay isaga way u muuqan wayday si walboon ugu adkaysanayay wuxuba iigu daray dilmo aanan ku jirin anshaxa bila aadan nimada.

Adigu  markaan mudo sanad ah wada joognay waan kala tagnay taasina anigu waxaan aaminsanahay inaanan khalad ku lahayn. Xasan walaal macaan filsan waxa tahay qof qaaliya oo samir iyo dulqaad badan. laakiinse su.aal walaal mabda.iyan imika badwayntcaashaqa door intee leeg baad ka ciyaartaa­,  Filsan walaal xasan mabdi.iyan waxaan qabaa jacaylku shay qaaliya inuu yahay, inta is.jecel ee wada jirka ku nool waxan u rajaynayaa farxad iyo mustaqbal waara, inta aan is.calman ee niyada isku haysana waxan leeyahay alloow isku soo dhawee, aniga ahaan wakhtigii iyo fursadihii aan ka helay nolasha iyo jacaylka waxaan ka helay intii ugu qadhaadhayd hadana kama xumi, imika se ma filayo fursad kale qadarka alle mooyee. Xasan walaal macaan   sidaa ha u hadlin maaha inaad nolasha sidaa uga quus dhigtid waxan qaba inaad wali nolashaba waxba ka arkin oo aad u tahay ubax yar oo ifaya fursadihii ugu fiicnaana kuu hadheen. Sikastooy ahaataba erayadaa sida daadku kaymaha u mulaaciyo laysku waraabiyay  waxa ka soo dhexgalay asaxaabtii kale.    waxa markale fursad isku helay axmed iyo filsan iyo xamse iyo ayaan, saas ooy tahay waxa is guray wakhtigii waxay ku war.heleen saacadoo caga cagaynaysa 10:30 habeenimo xasan waxa uu saaxiibadii ku wargaliyay inay hablaha hooyaan sidii ayay hablihii ku hooyeen, sadexda saaxiib qorsha,hoogu markii hore wuxuu ahaa inay bari hargaysa ku laabtaan laakiinse waxa baajiyay codsi kaga yimid dhinaca hablaha waxa loo balamay kulan kale iyo halkii hore ee gurigii xasan walaalkii xamse iyo axmed markay hablihii ka soo laabteen waxay dib ugu soo laabteen xasan oo sugayay waxay sheeko dhexmartay  xasan iyo axmed,, axmed saaxiib xasan qoftii iyada ahayd ee filsan waan is fahanay  qoftu waa qof iska farxaan ah oo soo jidasho leh si wacan baan wax isku waydiinay oon isula jaan qaadnay waxaanu kawada hadalnay arimo xaga badwaynta  nolashaku saabsan iyo  xidhiidh   jacayl waxaanu ku kala nimid fursad kale iyo bari. xasan saaxiib waa si wanaagsan ana waan kugu taageerayaa.

Iyadoo sidaasa ayaa sadexdii saaxiib  waxay u jan jeedhsadeen xagaa iyo xaafadii xamseyo  way iska sii sheekaysteen faaqidaada arimahoo khaaska ah iyo isku sii diyaarinta balanta bari.  marka xaafadii waxyar loo jiro ayaa xasan wuxuu xusuustay gacalisadiisa hibo oo uu goorahanba iswaydiinayay waxaw garaacay telefoonkeedii gacanta   waxawna u sheegay inuu bari uu joogo oo uu hargaysa ku noqonayo uuna jeclaan lahaa inay habeen danbe kulmaan waayna ka aqbashay. sikastoy ahaataba  waa ay iska casheeyeen iskana seexdeen waa.yahay ila wadaaga xiisihiyo xamaasada kulanka.Sadexdii saaxiib iyagoo iska habiya ayay u huleeleen xaaga iyo gurigii balanta xamse ayaa mobilkii ayaan garaacay. Su,aal –  walaal xaafadii ayaan u soo dhawnahay ee xageed joogtaa jawaab –  walaal ma caane waaban idinka sii horaynay. gurigii markay afaafka ka galeenba waxay indhaha qac ku siiyeen labadii hablood  ayaan  Iyo sidan  Inamadoow walaal maxaa sidaa la isugu galayaa sidaan u fadhinay cagihiiba na cuslaa. Jawaab – xasan walaal macaaney  raali galinbaan ka bixinayaynaa. Waxa bilaabmay iswaydaarsashada erayo duur xul ah Waa axmed iyo filsan iyo xamse iyo ayaan.      iyadoo sidaas  ah ayaa xasan waxa  soo garaacaysa  qoftiisi hibo xasan waa uu tagayaa  gacalisadiisa yar wada sheekaysi isa sagootin ka dib  waxa u u ku soo noqonayaa  asaxaabtiisi ooy sheekadu meel macaan u marayso waxa xusid mudan in uu ku soo biiray  akhiyaarta  wiil kale  oy ay  ayaan wada sheekaystaan, gunti iyo gaba gabadii saacadu waxay afka saartay 9:30 habeen nimo,   xasan waxa uu yidhi hooyaan u tagayaa ee hablaha sii kaxeeya ayaan  wiikii uu xidhiidhku ka dhaxeeyay ayaa        kaxeeyay  waa filsan ee axmed baa u diyaara inuu kaxeeyo  laakinse cudur daar bay ka bixisay waxayna tidhi xasan ha i kaxeeyo ama kaligay baan iska  lugaynayaa ,  laakiin se xasan wuxuu aaminsan yahay mabda, iyan ah in axmed iyo filsan xidhiidh isfahan dhexmaray kuna haboon yahay inuu sii kaxeeyo  inanta.  Sidaasoytahay  sadexdii saaxiib

isku jees  jeesay  xaajona ka dhibiqday ,           filsana go.aankeedu waa kay u cadaysay xasan iyo saaxiibadii gooni u wada hadal. Ka dib  waxa tolo la isugu keenay inuu xasan gabadha kaxeeyo oo la isugu yimaado xaafada xasanyo. Filsan waxay u tahay fursad dahabiya xasana waa u dabin xadhig haween daadshay oo xidhiidhka isaga iyo labadiisa saaxiib dhaawac u gaysan kara. Saas sidaasoytahay  filsan iyo xasan waa ay isa soo raaceen.   waxana dhexmartay sheeko layaableh oon xasan xisaabtaba  ugu jirin ila dhugo sidanay u dhacdee,   S – Xasan laakinse walaal sidan ma qurux badna saaxiibkay axmed aadbuu kuugu hanwaynaa intay sheekadu idin dhexmaraysayna waxan ka dareemayay isbadal iyo inuu kugu faraxsan yahay laankinse cudur daarka aad ka bixisay qalbigiisa ayay dhaawici kartaa.   J-  Filsan walaal inanka waxan isku baranay sii walaaltinimo oon u wada hadlaynay laakiinse ilama aha inuu dareen  ii qaaday hadiise haduu isoo kaxeeyo laftirkeed waxan is idhi wiilku magaalada wuu ku cusub yahe armuu ku dhex lumaaa,  adigana inaan arin kuu sheego ayaan donayay ama aan kuu sheegto walaal dhab ahaanti nolashayda waa sidan kuu sheegay adiguna waxaa tahay qofka nolasha qurux deeda iyo iftiin keeda wax iiga sheegay ee fikir iga siiyay qalbi dhagax noqday ruuxii ahmiyad  gaara siiya ayuunbaa fure u noqda  aniguna sidaas  baan ahay haadii aan wiil laba habeen wada sheekaysano habeen sadexaad inaan arko ma doonayo waan nacayaa… dabeecadahaa ayaan la daris noqday,   Xasanoow hadii aan wax kuu sheegto maad iga aqbali mayse dareemi. walaal naftaydaad la daris iyo wehel noqotay labada cisho een ku arkay anba waa mid aan garan waayay oon awood kaantarool u waayay dareen jacayl baan kuu qaaday anaan ogayn waxaad iga yeeli.  Walaal hadii aad ima haye itidhaahdo ood barina igaga baxdo dhaawaca danbaa igaga daran ee imika runta ii sheeg­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­­,   J -xasan walaal macaan si wanaagsan oo daacadnimo leh baad ila hadashay laakiin horto waa runtaa yoo hadii aan imika ku idhaahdo waan kula qaaday barina af kale ku hadlo dhibkeed bay leedahay midna waan kula qirsanahay oo

jacaylku waa wax jira iftinka nolashuna waa ubax jacayl oo laba qalbi wada daadihinayaan. Hadaanu jacaylku  xaqiiqo jirta ahayn cilmiba uma god galeen hodana dabadii ragba ugama dhaarateen.  qofka bila,aadanka ahina laba cisho iska daayo haldaqiiqo ayuu dareen ranitaan ku qaadi kara walaal macaaneey  adigu qof qaaliya ayaa tahay qofkii nolal la qaybsadanadana uu ku noolaanayo  farxad aad u wayn  gal,gacayl aan qiyaas lahayn. Uuna dareemayo raaxo aan dhamaad lahayn kool koolin iyo raali galin joogta ah.Rabitaan iyo axdi dhabana ku salaysan. mana jecli inaan qalbigaa dhaawoco niyadana kaa jabiyo beena kuuma sheegi karo kuma odhan karo waan ku jeclahay naftayda iyo taadaba been aan u sheegay bay noqonaysa midna xusuusnaw horay waxa loo yidhi jacaylku wuu dhamaada laakiin walaaltinimadu madhamaato inta ifka lagu nol.yahay waxaan kuula diyaar ahay walaaltinimo aad u baaxad wayn oo tix galin gaara qadarin gaara is ix tiraamba wadata ayaan kugu soo dhawaynayaa.    J –   Filsan walaal xasanoow waxan ahay qof aad u nasiib xun horay halkii wax een u jeclaaday waan oga wixii iga qabsaday imikana sidii oo kale ee walaal hay iloo bine ila soo had hadal.    Xasan Walaal marwalba waan kula soo hadlayaa kaana warhaynayaa ee walaal macaan  naftaada wixii wanaagsan uun u sheeg anigu waxan kuu aqoonsanahay qofka aduunka ugu qiimaha badan.  waxaad helaysa qof daacdnimo ku ladhan tahay kasbashada qalbiga iyo raali galinta naftana  alla ku manaystay farxad ku noolaw qadarka alana ku xidhnow.  Xasan sidaas  buu kaga soo noqday filsan wuxu toos u qaaday wadadi tagaysay xaafadooda  gurigi markuu tagay hooyadii macaan la kulmay waxyarna la fadhiyay ayay u yimaadeen labadiisiib saaxiib xaafaday soo safar salameeyeen wayna ka soo baxeen xasan saaxiibadii wuu u sheegay wuxu kala  kulmay filsan jawaabtooduna waxay ahayd cadaw baa tahay saaxiibtimadana waxba kama garanaysid  gunti iyo gaba gabadii waa xadhig dabin dumur xidhan oo ku dhex tuuran wiilal xidhiidhkooga saaxibtinimo ka dhawyahay ka walaaltinimada.

Saaxiibku waa garab jiriyo

Waliba gaashaane

Mar haduuse gees kaa maruu

Taada garan  waayo

Dharaartaad golmoontahay haduu

Kuu gadbixi waayo

Geesibaa go.aan lehe haduu

Gacan ku siin waayo

Saw xaalku kala go.o iyo runtii

Gocashu uun maaha

Sidii ayro geeloo ilmihii

Geed lagaga waabay

Oo gaban barbaarihi wax badan

Gaar u celinaayo

Oo gunuunuc reemaysa markaan

Kugu dul goobyaalay

Qof  xiskiisu gaw yahay miyaan

Kuula gudboonaaday…

Dhamaad

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...