Cilmi caafimaadka ee casriga ah ayaa lagu ogaaday in hurdo yaraantu ay qofka ku keento dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ragga uu ku yaraado hormoonka Testosterone iyo in uu cimrigiisu ka soo gaabto inta laga filayey.
Kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard qaybteeda caafimaadka hurdada ayaa sheegtay in hurdo yaraantu ay qofka kaga tagto raadad taban oo dhinaca maskaxda ah, sida awoodda u fiirsi iyo baraarugsanaanta maskaxdiisa oo hoos u dhacda, in khalkhal uu ku yimaaddo xaaladda nafsiga ah ee qofka oo tusaale ahaan ay dabeecaddiisu xumaato, iyo si guud in ay hoos ugu dhacdo awoodda maskaxdiisu ay u leedahay in ay qabato hawlaha fikirka iyo maskaxda u baahan ee sare. Khubarada Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanku waxa ay sheegeen in haddii qofku uu sii laasimo hurda yaraanta ay aakhirka xaaladdiisu gaadho heer ay maskaxdiisu ka wax-soo-saar iyo fikir yaraato maskaxda ruuxa sakhraansan.
Cilmi-baadhayaal kale oo ka tirsan jaamacadda Rochester ee dalka Maraykanka ayaa iyaguna mar sii horreysay ogaaday in unugyada maskada bani’aadamku ay si weyn ugu baahan yihiin in ay helaan waqti hurdo oo ay nastaan. Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen in marka ay maskaxdu seexato ay ka takhalusto barootiinnada sunta ah ee sida dabiiciga ah samaysma xilliga soo jeedka ee ay maskaxdu ku jirto shaqadeeda caadiga ah, hurdo la’aantuna waxa ay keenaysaa in hawshaas ay maskaxdu iskaga nadiifin lahayd suntu ay fashilmayso. Taas macnaheedu waa in haddii hurdo la’aantu qofka ku badato, ay muddo dheer ka yaraato 7 saac habeen kasta ay suntani maskaxda ku ururayso kadibna ay caqabad ku noqonayso awooddiisa maskaxeed.
Dhibaatooyinka kale ee ay khubarada caafimaadku taxeen in ay ka dhalan karaan hurdo yaraanta waxaa ka mid ah:
– Waxaa hoos u dhaca heerka hormooonka Testosterone ee ragga, waxa aanay sababtaa in ay yaraato tirada noolaha manida raggu. Waana sabab keeni karta ma dhalaysnimo ama in awoodda dhalmo ee ninku hoos u dhacdo.
– Waxaa kor u kacda khatarta uu qofkaasi u yahay in uu ku dhaco xanuunka Macaanka noociisa labaad.
– Khalkhal ku yimaadda hab-dhiska dheef-shiidka ee qofka.
– Calaamado gabow iyo coodh coodh ku soo degdega maqaarkiisa.
– Xusuusta oo hoos u dhacda.
– Cuncun maqaarka ah.
– Cadhada oo qofka ku badata.
– Sakati iyo xasilooni la’aan nafsi ah.
– Daraasado caafimaad ayaa lagu ogaaday in dadka seexda hurdo ka yar lix saacadood maalin kasta uu ugu yaraan boqolkiiba 30 ka mid ah miisaankoodu inta caadiga ah ka weynaado marka la barbar dhigo kuwa seexda maalin kasta toddoba illaa sagaal saacadood.
– Hurdo yaraantu waxa ay keentaa in uu kordho garaaca wadnuhu. Iyo in xanuunnada wadnuhu ay qofka ku dhacaan. Sidoo kale waxa uu qofku khatar u yahay in uu faalig ku dhufto.