Waxa aanu si toos ah u abbaarnay qolkii loogu tala galay in lagu daldalo oo uu ka dhaco falka dilka ahi. Waxa noogu diyaarsanaa dhammaanba agabkii lagama maarmaanka noo ahaa ee fududaynayay dilka Madaxweyne Saddaam Xuseen. Markii uu arkay kursiga daldalaadda iyo xadhiga u diyaarsan qoortiisa ee dhumucda weyn leh waxa uu si degan u soo eegay askartii madaxa ka daboolayd ee garbaha haysay iyo aniga oo garab taagnaa, waxaanu yidhi: “Tani waa jidka geesiga ee ma aha jidka uu ku dambeeyo Fulayga iyo gaalo raacu. Waxaad tihiin basaasiin iyo wuxuush (Dugaag) u adeega Maraykanka iyo Yuhuudda”. Waxa dhib nagu noqday in aanu si degdeg ah sallaanka u saarno si aanu u fuushiino goobta daldalaadda oo ahayd goob kor u dhisan maadaama labadiisa lugood aad isku haysteen oo uu diidanaa in uu si wanaagsan u socdo”. Mawfiq Al-rabiici, La Taliyihii hore ee Amniga Qawmiga wadanka Ciraaq oo ka sii sheekaynaya sidii falka daldalaadda ahi u dhacay waxa uu intaasi ku daray: “Markii aanu saarnay Saddaam goobtii lagu daldalayay ee aanu damacnay in aanu xadhiga qoorta u galino. Si dhib yar ayuu qoorta u dhigtay wax dhib ahna kalama aanaan kulmin. Aniga ayaa gacantayda ku soo qabtay xadhigii daldalaadda qoortana u galiyey. Balse dhibaatada ugu weyni waxa ay na qabsatay wixii intaasi ka dambeeyey. Gaar ahaan, markii aanu damacnay in aanu madaxa u gelino maradii Madaxa loo galinayay ee daldalaadda. Sharciga dunida u yaallaa waxa uu dhigayaa in qofka lagu fulinayo dil daldalaad ah madaxa loo galiyo Maro si aanu u arag fulinta falka daldalaadda ah gaar ahaan marka la laalaadinayo ee laga hoos saarayo wixii uu ku taagnaa qofka la dilayaa. Saddaam Xuseen, waxa uu gabi ahaanba diiday in Madaxa loo galiyo Maradii loogu tala galay in loo galiyo. Wakhti aanu ku guda jirno in aanu Saddaam ku khasabno in aanu madaxa u galino marada madaw ee loogu tala galay waxa goobtii hoolka ahayd ee falkan laga fulinayay is qabsaday qaylo iyo sawaxan dad. Waxa mar kali ah dhagahayaga ku soo dhacay ereyadan: “Ha Waaro oo ha jiro waligii xusuustiisu Imaam Maxamed Baaqir Al-sadr” (Waxa uu ahaa hogaamiye shiici ah oo ku dhintay gacanta Saddaam wakhti hore), waxa kale oo nagu soo dhacayay ereyadan: “Muqtada..Muqtada (Hogaamiye Shiiici ah magaciisa)”. Markii intaasi hoolka ka baxday ee ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah askartii iyo kooxdii falkan ila fulinaysay waxa hadal kooban ku dhawaaqay Saddaam Xuseen oo wajigiisa cadho weyni ka muuqato, waxaanu si kooban u yidhi: “Ma taasaa raganimada aad ku faanaysaan, ma waxaasaa ragannimo ah?”. Markii intaasi dhacday waxa khasab nagu noqotay in aanu iska dayno Maradii madoobayd ee loogu tala galay in madaxa lagaga xidho, waxa uu tahli waayay in uu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo maadaama gacmaha lagaga xidhay qoortana loo sudhay xadhigii lagu daldalayay. Isku daygii hore waanu ku guul darraysanay oo waxa naga xumaatay habkii dilka loo fulinayay balse isku daygii labaad ayaanu ku guulaysanay waxaana Saddaam ka soo baxay ereyadan: “Ashhadu A-llaa Ilaaha Illa-laahu, Wa Ashhadu Anna Muxamadan….” Waxa ay naftu ka baxday isaga oo aan dhamays tirin Ashahaadada. Gacantayda ayaan anigu xadhiga daldalaadda qoorta u galiyey. Markii naftu ka baxday waxa aanu ka soo dejinay goobtii uu saarnaa waxaanan ku duubnay Kiish cad oo qaro weyn. Muddo daqiiqado ah ayaanu halkii ku sugnayn kadibna waxaan u gudbinay koox kale oo loogu tala galay in ay u diyaariyaan xabaashii lagu aasi lahaa Hogaamiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen. …..La Soco
Qaybtii 4aad Sanad Guurada 10aad Ee Dilkii Saddaam Xuseen Iyo Xog-Warranka Ninkii Dilkiisa Fuliyey(2)
Date: