Maxaad Ka Taqaan 5ta Waddan Oo Xujaajta Ugu Badani Ka Soo Xajiday Sannadkan 2016, Dalkee Afrika Ugu Xujaaj Badan, Dalkeese Kaalinta 1aad Ku Jira?

Date:

Sannad walba cidhifyada adduunka waxa isaga kala yimaad wakhtigan oo kale malaayiin qof xujaaj ah oo muslimiin ah kuwaasi oo marti Ilaahay ugu noqda beytkiisa xurmada leh ee ku yaalla Makka Al Mukarrama.

Iyada oo aynu galnay maalmihii ay bilaabmayeen acmaasha Xajku, laanta socdaalka waddanka Sucuudi Carabiya waxa ay daboolka ka qaadeen tirada 5-ta waddan ee xujaajta ugu badani ka socoto sannadkan 2016 ee soo gaadhay sucuudiga.

Taliyaha guud ee Hay’adda la socodka iyo diiwaan gelinta Baasaaboorrada dal ku galka ah Gaashaanle Sare Suleymaan Bin Cabdicasiis Al-yaxya oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka Sky News Isniintii shalay shabakadda tusmoonline na idiin so turjuntay ayaa sheegay in wali waddanka Indonesia yahay kan xujaajta ugu badani ka imanayso isaga oo sheegay guud ahaan shanta waddan ee xujayda ugu badani ka timid sannadkan ee soo galay waddanka Sucuudi Carabiya si ay u gutaan waajibaadka xajka.

Suleymaan Bin Cabdicasiis Al-yaxyaa waxa uu telefishanka u sheegay in waddanka Pakistan noqday waddanka kaalinta labaad ku jira ee xujaajta ugu badani sannadkan ka soo xajiday halka uu kaalinta saddexaad ku jiro waddanka Hindiya ee ay jaarka yihiin. Taliye Suleymaan Bin Cabdicasiis Al-yaxya ayaa Sky News u sheegay in xujaajtaasi noqdeen kuwa ugu badan ee sannadkan soo gaadhay sucuudiga isaga oo sheegay in ay ka dawlad ahaan diyaariyeen qorshayaal cusub oo dhinaca amniga iyo nabad gelyada xujaajta lagu sugayo kadib dhimashadii aadka u badnayd ee sannadkii hore ka dhacday goob u dhaxysa Musdalifa/Mina iyo Jamaraatka

Suleymaan Bin Cabdicasiis Al-yaxya waxa uu sheegay in dalka Bangladesh ku jiro kaalinta afraad halka waddanka Afrikaanka ah ee Nigeria noqday kan kaalinta 5aad soo cidhiidhsaday ee ay ka yimaaddeen xujaajta ugu badani, isaga oo noqonaya waddanka Xujayda Afrikaanka ahi ugu badan yihiin.

Dalka Indonesia oo tirada dadkiisa lagu qiyaaso in ka badan 255-Milyan oo qof ayaa aqlabiyadda shacabkaasi waxa ay tahay Muslimiin iyada oo tirada muslimiinta dalkaasi dhan tahay in ka badan 204 Malyuun oo qof. Gaashaanle Suleymaan Bin Cabdicasiis waxa uu sheegay in kaalinta lixaad uu ku jiro waddanka Turkigu oo sannadkan xujaydii ugu badnayd ka timid iyada oo sarkaalkani sheegay in dalalka xujaydoodu sannadkan xajka timid ka kala sitaan 160 jinsiyadood oo dunida ah.

Shantaasi Waddan Ayaa U Kala Horreeyan Sidan:

  1. Indonesa
  2. Pakistan
  3. India
  4. Bangaldesh
  5. Nigeria
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...