Cunto Badan Oo Aad Cuntaa Waxay Kaa Badbaadin Kartaa Xanuunada Wadnaha Ku Dhaca.

Date:

Khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa dhowaan soo saaray habab cusub oo lagula dagaalami karo ,sidoo kalena lagaga hortegi karo xanuunada ku dhaca wadnaha,kuwaas oo dhib badan ku haya dadka kala duwan ee caalamka ku kala nool.

Habkan cusub oo ay khubaradani ku tilmaameen habka sirta ah ayaa la sheegay inuu yahay cunto badan oo qofku cuno,iyada oo taasi ka hortegayso dhiiga oo noqda mid xinjiro ah,sidoo kalena waxay balaadhin ku samaynaysaa xididada uu dhiigu maro ee loo yaqaano afka qalaad Arteries ka, sidaasna waxa lagu qoray wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan, iyada oo cuntooyinkaasi badani noqonayaan kuwo u dhexaynaaya xiliyada caadiga ah ee cuntooyinka la cuno.

Cuntooyinka oo ah kuwo aan aad u cuslayn ayaa noqonayaa kuwo aad u fud fudud oo la cunaayo inta u dhaxaysa Cashada,Qadada iyo Quraacda,kuwaas oo ay ku yar yihiin Sonkortu,waxaanay isu geyn cuntooyinkaasi noqonayaan ugu yaraan ilaa lix cunto oo kala duwan siday khubaradani ku taliyeen.

Khubaradan oo kazoo jeeda dalkaasi Ingiriiska ayaa dadka xanuunsanaaya kula taliyey inay joogteeyaan cuntooyinkaasi,iyaga oo ilaalinaaya waqtiyada ay cunaan cuntooyinka caadiga ah ee Qadada,Cashada iyo Quraacda.

Cuntooyinkan ayay khubaradu ku taliyeen inay ku jiraan cuntooyin khudrad lihi,kuwaas oo noqonayaa kuwa kala duwanaanshaha keenaaya , iyaga oo intaasi ku daray in cuntooyinku haddii ay isku mid noqdaan noqda kuwa hormuudka u noqday inuu qofku qaado xanuunka macaanka loo yaqaano iyo xanuunka kale ee qofku ku xaydhoobo ,taas oo gaadha ugu dambayn wadnaha qofkana disha.

Natiijada daraasadan oo ay soo bandhigeen khubaradan oo ka kala socday jaamacaddaha Johns Hopkins University iyo jaamacadda kale ee Baltimore University ayaa sheegay in ay baadhitaano ku sameeyeen dad gaadhaaya tiro ahaan ilaa 7000 oo qof kkuwaas oo da’dooda ka ugu yar yahay 14 sanno jir, waxaanay sheegeen in dadkaasi 32% kamid ahi ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan wadne xanuun iyo xididada dhiiga oo xidhma , kadibna dhiigu noqdo mid joogsada sidaasina ay ku dhintaan.

Cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in cunitaanka cunto caafimaad qabta oo si joogto ah loo cuno iyo helitaanka khudaar dheeli tiran oo ay ku jiraan Vitamins ka loo baahan yahay in ay yarayso khatarta xanuunada ku dhaca wadnaha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...