Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Ampasador Xuseen Cali Ducaale, ayaa xallay magaalaa Hargeysa kusoo bandhigay buug loogu magac daray (Raad Raaca Taariikhda Soomaaliyeed).
Buuggan oo ka hadlaya Marxalladihii kala duwanaa ee ay soo martay Taariikhda Somalida, Buuggu waxa kale oo uu ka hadlayaa Madaxdii Soo martay Somaliya siday u maamul jireen Somaliya iyo qisooyin dhex maray Cawil iyo Madaxwayneyaashii Somaliya xilligii Dawladii Siyaad Barre ee uu ahaa Safiirka Somaliya u Fadhiya Kenya.
Munaasibada Buugga lagu Soo Bandhigay ayaa xallay ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxaa kasoo qaybgalay Dhamaan Siyaasiyiinta kala Duwan ee Somaliland.
Qiimaha Buugga Raad Raaca Taariikhda Soomaaliyeed, ayaa xallay lagu Iibinayay 10 doolar oo u dhiganta 75000 oo lacagta Somaliland ah.