Waallida Shakiga: Nin Haweenay U Doonanayd Silsilad Iyo Qufulo Ku Wareejiyay Jidhkeeda Si Aan Raggu Ugu Soo Dhawaan

Date:

Waxa ay u muuqataa in waallida ka dhalata Hinaasuhu aanay ahayn wax xad leh ama meel ku joogsan kara ee ay qofka ka keento xataa tallaaabo aanu qaadeen ama ku dhaqaaqeen qofka xunuuka dhimirka qabaa. Shaki la’aan dunidu waxa ay ka midaysan tahay Waallida ka dhalata Hinaasaha rag iyo dumarba si kasta oo caadooyinkooda iyo diintoodu u kala duwan tahay, waxa kale oo jira shakiga la xidhiidha lammaanuhu in uu isna yahay mid aan la xakamayn Karin wakhtiyada qaarkood tallaabooyinka ka dhasha. Dhacdo haddii aad maqasho aad u qaadanayso mid khayaal ah balse ah xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah ayaa todobadkan shabakadda wararka ee CNN waxa ay ka soo warisay wadanka Mexico. Nin u dhashay dalkaasi Mexico ayaa la sheegay in uu silsilad shabag ah ku wareejiyay Surwaal ay xidhnayd haweenay ay muddo isku cindanaayeen oo u doonan si uu u guursado silsiladaasi oo dhinac walba uu quful kaga jabiyay si aanay haweenaydani xidhiidh rag u samayn oo uu sharafteeda u ilaaliyo sida uu ku dooday, isaga oo intaa ka hinaasan in ay gogol dhaaf samayso. Sida uu ku soo warramayo Telefishanka CNN, Gabadha Merry Sanchez oo 25 jir ah oo ku nool xaafadda dadka saboolka ahi degaan ee magaalada Escatalmi ee dalka Mexico ayaa laga war helay in aanay si wanaagsan u socon Karin sidoo kalena dhakhtarka deegaankaasi ugu dacwootay in ay xanuun ka dareemayso miskaha iyo lugaha hoose. Markii haweenaydan la baadhay waxa loogu tagay silsilad ku xidhan Surwaalka ay xidhan tahay ee Jiiniska ah oo ku wada duuban dhammaan inta ku beegan cawradeeda laga bilaabo jilbaha korkooda illaa miskaha, sidoo kalena qufulo yaryari ku wada jabsan yihiin si aanay isaga furin. Haweenaydan ayaa muddo saddex bilood ah waxa ay ku jirtay xaalad sidan u qallafsan iyada oo mudadaasi surwaalka ay xidhnayd ka dul gashatay haaf suuf  ah oo qaro leh si aanay dadku u arag silsiladdan ku jabsan ee qufulku ka laalaado. Dakhtarkii isku dayay in uu cabashada haweenaydan dhagaysto ayay u suurta gashay in uu wax ka ogaado sidan ay gabadhan yari u dhibban tahay waxaanu toos ula xidhiidhay booliska xaafaddaasi ka hawl gala si uu arrinkan ugu sheego. Baadhitaankii booliska kadib waxa ay haweenaydani qiratay sida xaal u dhacay waxaanay saldhigga hortiisa ka sheegtay sidan: “Hugo Martino oo 40-jir ah ayaanu muddo saddex sanadood ah wada soconay. Waxa aanu ku ballanay guur. Anigu waxaan ka soo jeedaa qoys aad u sabool ah. Isaguna waa mid dabaqadda dhexe ah oo lacag ku filan haysta. Waxa uu ii ballan qaaday in uu I guursan doono qoyskayagana lacag siin doono si ay ganacsi yar ugu samaystaan. Balse muddo bil ah markii aanu wada soconay waxa uu soo qaatay silsilad iyo lix quful oo yaryar. Waxa uu igaga wareejiyay intaa misigta illaa bawdyaha. Qufuladiina waa uu igu xidhay. Waxa uu ii sheegay in uu sidan u samaynayo si aan cidi iigu soo dhawaan gaar ahaan raggu. Muddo ayaan qarsanayay maantana waxa aan hayn kari waayay xanuunka iyo dhibta ay igu hayso waxaanay iigu darnayd marka aan doonayo in aan suuliga tago, balse cabsi aan ninka ka qabo darteed cidna uma sheegin”. Arrintan ayaa layaab ku noqotay dadkii deegaanka ee warkani soo gaadhay waxaana ninkii falkan gaystay ee Mushakiga ahaa oo markii dambe qirtay lagu xukumay ganaax lacageed iyo xadhig.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...