Qiso inta badan muddooyinkii ugu dambaysay ku soo noqnoqonaysay warbaahinta dunida oo aad u layaab badan ayaa ahayd markii shaaca laga qaaday sida uu u dhacay qorshe dil ah oo dhawaan loogu gaystay duuliye sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka ee wadanka Liibiya oo lagu magacaabo Maxamed Al Suusi kaasi oo ay qudha ka jartay haweenay u dhalatay dalka Ruushka iyada oo dilkaasi khilaaf diblomaasiyadeed ka dhex qarxiyey dalalka Liibiya iyo Ruushka. Waxa ay ahayd Salaasadii Todobaadkii aynu dhaafnay kadib markii haweenay u dhalatay wadanka Ruushka oo lagu magacaabo Yakatrina Ostojanipova iyada oo ku jeeni qaaran qori AK-47 ah inta ay isa soo taagtay guri uu deganaa Duuliye sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada Cirka ee dalka Liibiya oo ku yaalla xaafadda Suuq Al-Jumca ee magaalada Tripoli laguna magacaabi jiray Maxamed Al Andulisi Alsuusi ay toddobada xabadood laabta iyo madaxa kaga dhufatay kadibna inta ay gudaha u sii gashay gurigii uu ninkani deganaa ay halkaasi kula kulantay hooyadii oo ah haweenay da’ ah taasi oo ay iyana ku dhaawacday mindi ay dhawr jeer laabta iyo dhabarka kaga mudday.
Sida uu ku soo warramayo wargeyska The Sun ee Ingiriiska ka soo baxa oo arrintan wax ka qoray, Yakatrina Ostojanibova markii ay guriga gudaha u sii gashay wax dad ah oo kale halkaasi uguma ay tagin waxaanay dib ugu soo noqotay Maydka ninkii ay dishay ee sarkaalka ahaa iyada oo koob madhan soo qaadatay kadibna halkaasi dhiigiisii qulqulayay ku shubtay kadibna dib ugu noqotay guriga dhexdiisa. Wargeysku waxa uu intaasi ku darayaa in Yakatrina Ostiojanibova ay gidaarada guriga qaar ka mid ah dhiigii ay sidatay ku qortay weedho af ingiriisi ah oo u dhignaa sidan: ‘Death To Rats’ oo macnaheedu yahay dhimashadii Jiirka.
Warkan oo ay idiin soo turjuntay shabakadda tusmoonline.com waxa uu intaasi ku darayaa in Haweenaydan ayaa markiiba gacanta lagu dhigay waxaanay wakhtigan ku sugan tahay xabsi ku yaalla Libya iyada oo la filayo in dhawaan maxkamad la soo taago. Mar baadhitaan lagu sameeyey sababta ay sidan u yeeshay ayaa lagu ogaaday in haweenaydani ka mid ahayd saddex Haween ah oo Ruush ah oo aad u jeclaa Madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Al-qaddaafi sidaana ay u samaysay aar goosi ay ugu aar gudaysay hogaamiyaha dalkaasi ee hore loo dilay. Kelmadaha ay gidaarka ku qortay ee ay dhiigga khadka uga dhigtayna ay ka soo qaadatay khudbaddii caanka ahayd ee Qaddaafi mucaaradka ku kacay ugu yeedhi jiray ee “Daar Daar, Sanga Sanga, Judraan” isaga oo Mucaaradka ugu yeedhi jiray in ay yihiin Jiir dalka ku soo duulay oo ay mudan tahay in guri guri looga sifeeyo. Qaddiyadda haweenayda falkan gaysatay ayaa khilaaf ka dhex qarxisay dalalka Libya iyo wadanka Ruushka.