Heshiiskii ugu dambeeyey ee maalgashiga shirkada Dubai World iyo xukuumadda Somaliland, ayaa la filayaa in dhowaan uu dhammaado, ka dib markii bishii August Baarlamaanka Somaliland ansixiyey qorshaha heshiiskaa.
Warbixin idaacada VOA, qeynteeda af Ingiriiska ku hadasha ka diyaarisay shalay heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee dhex maray shirkada DP World iyo Somaliland, ayaa lagu bilaabay:
“Qorshaha lagu balaadhinayo marsadda Somaliland, ayaa la saadaalinayaa inay u bedasho magaalada qadiimiga ah Berbera, mid horumarisa dhaqaalaha gobolka.
Heshiiska Dubai World ku maalgelinayo dekadda Berbera oo soconaya muddo gaadhaysa soddon sannadood, ayaa haddii uu tisqaado, ka dhigaya Berbera, magaalo soo jiidata maraakiibta adeegsada marin-biyoodka Badda Cas. Masaafada dekadda, ayaa la filayaa inay saddex jibaar noqoto, isla markaana casriyeynta adeegyadeeda ayaa sare u qaadaya shaqada dekadda Berbera oo wakhtigan rogta badeecadaha kontineerada (containers) 60 kun inay gaadho in badan 1 milyan oo kontiinar sannadkii.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in dekada Berbera oo dhacda goob istaraatiiji ah aanu adeegeedu dhaafin Somaliland, kaabeyaasha ay adeegsato awgeed. “Casriyeyn lagu sameeyo waxay ka dhigaysaa inay la tartanto dekadaha jaarkooda Djibouti, una shaqeyn kartaa wadamadda Barriga Afrika dhammaantood.Maalgashiga dekadda Berbera kama faa’iidi doonto keliya Somaliland iyo Soomaaliya balse waxay gaadhi doonta wadamadda Itoobiya, Koonfurta Suudan iyo dhammaan wadamadda aan Baddaha lahayn,” ayuu sheegay Wasiirka Khaarajigu.
Dekeda Berbera oo wakhtigan gabowday, ayey dhiseen soddon sannadood horteed wadammada Maraykanka iyo Ruushku, inkastoo xilligan dalxiisayaashu arkaan hadhaaga maraakiib ku caariday, halkay ku arki lahaayeen maraakiibta konteenarada xambaara oo isku dhaafaya dekadda.
Casriyeynta dekeda Berbera ayaa u abuuri doona kumanaan fursado shaqo dhalinayarrada Somaliland, ayuu sheegay Wasiir Sacad.
Maxamed Siciid oo kalluumaysatada magaalada Berbera ka tirsan ayaa sheegay inuu rajo fiican ka qabo maalgashiga dekadda Berbera. “Waxaan rajeynaynaa in kalluumaysatadu fursado badan ka heli doonaan casriyeynta kaabayaasha dekada, tababar, qalabka kalluumayiga shirkada DP World,” ayuu sheegay.
Si kasta ha noqotee casriyeynta dekadda Berbera ee shirkadda DP World, ayaa ah mid guud ahaan shacabka Somaliland si dhow ula socdaan oo la saadaalinayo inuu fure u noqdo koboca dhaqaalaha dalkooda iyo dariiq maalgashadeyaasha caalamku ku deydaan.