Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa difaacii kooxda Valencia ee Shkodran Mustafi kaas oo ay Gunners ka soo bixisay 35 milyan oo gini. Maanta ayay hore Arsenal 17 milyan oo gini uga soo bixisay gool dhaliyihii kooxda Deportivo ee Lucas Perez taas oo lacagta ay labadan xidig Gunners kula soo wareegtay ka dhigaysa 52 milyan oo gini.
War ka soo baxay Arsenal ayaa lagu yidhi: ” Difaaca dhexe ee ree Germanay ee koobka aduunka ku soo guulaystay ee Shkodran Mustafi ayaa inagaga soo biiray Valencia. 24 jirkani waxa uu Valenica ka soo tursanaa laba xili ciyaareed wuxuuna u saftay 64 kulan, wuxuuna ka soo baxay xarunta da’yarta Everton ka hor intii aanu laba sanadood ku soo qaadan kooxda Sampdoria ee Serie A-da”.
Shkodran ayaa hadda qayb ka ah xulka qarankiisa Germany wuxuuna noqday saxiixii lixaad ee ay Arsenal xagaagan samaysay waxaana ka horeeyay Lucas Perez, Granit Xhaka, Rob Holding, Takuma Asano iyo Kelechi Nwakali. Arsenal ayay maanta u ahayd maalin muhiim ah oo ay suuqa kala soo wareegtay laba xidig oo kooxdeeda xoojin wayn u samayn doona.
Tababare Arsène Wenger ayaa markii uu isku hubsaday saxiixa Mustafi yidhi: “ Mustafi waa da’dii ku haboonayd, wuxuuna leeyahay khibrad fiican. Waa ciyaartoy si fiican diirada u saara sidoo kale ku fiican kubbada, waxaanu soo qaadanay ciyaartoy fiican, laakiin waxaanu si fiican ugu diyaar garawnay mutaqbalka”.