Maxaad Ka Taqaan Haweenada Ugu Qanisan Haweenka Qaaradda Afrika?

Date:

Innaga oo ku sii socon doona maqaalkeenii aynu kaga hadlaynay haweenka qaaradda Afrika ugu awoodda badan gaar ahaan dhinacyada Awoodda siyaasadeed, dhaqaale iyo Magacba waxa aynu qaybta labaad ku soo qaadan doonaa haweenay kale oo qaaradda Afrika ee Madaw caan ka ah oo awood badan. Haweenaydani waxa lagu magacaabaa Isabel dos Santos. Waxa dhalay Madaxweynaha wadanka Angola President José Eduardo dos Santos. Isabel Dos Santos waa inanta ugu weyn caruurta uu dhalay Madaxweynaha wadanka Angola Mr. Dos Santos oo ay u dhashay haweenaydiisa Min weynada ah Tatania. Isabel waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah haweenka ugu qanisan qaaradda Afrika iyada oo hantideeda lagu qiyaaso in ka badan Hal Milyaar Oo Dollar, qaddarkaasi Hantiyeed oo haweenaydan Isabel ka dhigaya Haweenayda qaaradda Afrika ugu taajirsan. Horraantii Gu’gii 1973-kii ayay Isabel ku dhalatay caasimadda wadanka Azerbaijan ee Baku waxaanay waxbarashadeeda ka bilawday Dugsi Hoose dhexe oo ku yaalla caasimadda wadankeeda Angola ee Luanda oo ay u soo guureen laba sano kadib dhalashadeedii. Waxaanay aqoonteeda sare ku qaadatay wadanka Ingiriiska oo ay ka gaadhay illaa darajada Bachelor oo ay ku samaysay dhaqaalaha iyo Ganacsiga. Iyada iyo hooyadeed ayaa intaa kadib waxa ay dageen dalka Ingiriiska ka hor intii aanay hooyadeed iyo aabaheed kala tagin. Sannadkii 1990-kii ayay Isabel Huteel weyn oo kuwa lagu raaxaysto ah ka samaysatay Caasimadda wadanka Angola ee Luanda. Waxa kale oo ay xarumo Ganacsi ka samaysatay wadanka Portugal caasimaddiisa Lisbon. Muddo kooban gudaheed ayay ku noqotay qof maal-qabeen ah oo saamayn weyn ku leh wadankeeda Hooyo ee Angola. Sannadkii 2000 waxa ay maamule sare ka noqotay shirkadda caanka ah ee Larobana. Laba sanadood kadib waxa ay ku guulaysatay qandaraas Malaayiin Dollar ku kacaya oo ay ka qaadatay shirkad Shiine ah oo maal gelin ku samaysay wax soo saarka wadanka Angola gaar ahaan Macdanaha qaaliga ah. Waxa kale oo ay laba shirkadood ka aasaastay wadanka Portugal oo ay lacago badan ka heshay. Gaar ahaan waxa ay aad uga macaashtay shirkad dhinaca warbaahinta iyo wax soo saarka ah oo ay ka hir gelisay wadanka Portugal. Sannadkii 2002 waxa ay is guursadeen nin u dhashay wadanka Congo Democratic oo ah wiil uu dhalay Maal-qabeenkii Sanu Qudub ee iska lahaa Baniga Caanka ah ee Kinshasa Bank, waxa ay ninkan isku barteen wakhtigii ay jaamacadda kaga jirtay wadanka England.

Xafladda aqalgalkooda oo ka dhacday caasimadda wadanka Angola ee Luanda waxa ku baxay kharash dhan 4-Milyan oo dollar. Waxa Xafladdii Aqalgalkeeda ka soo qayb galay ku dhawaad 2000 oo qof oo Marti ah waxaanu ka dhacay Huteel Casri ah oo Maalqabeen Portuqiis ahi ku leeyahay wadanka Angola. Isabela iyo Saygeedu waxa ay isu dhaleen saddex Caruur ah waxaanay wakhtigooda u qaybiyeen safar saddex geesood ah oo ay ku gaalaa bixiyaan inta badan dalalka Angola, Portugal iyo England oo Ganacsigoodu ka socdo. Wakhtiyada ay fasaxa yihiin oo ay dalxiis ku tagaan dalal badan oo adduunka ah mooyiye. Inkasta oo ay Isabel tahay Haweenay aad isaga dhawrta in ay ka soo baxdo shaashadaha warbaahinta oo nolosheeda si qarsoodi ah u wadata hadana waxa ay noqotay haweenay saamayn weyn ku leh dhaqaalaha iyo siyaasadda wadanka Angola iyada oo adeegsanaysa dhaqaalaha ay leedahay iyo Awoodda aabaheed oo Madaxweyne ah. Isabel waxa ay sannaddkii 2008 maalgelin ku samaysatay shirkad weyn oo is gaadhsiineed oo ah midda ugu casrisan wadanka Angola oo ay Malaayiin iyo Malaayiin dollar ka heshay. Ninkeeda ayaa ah Guddoomiyaha sare ee shirkadaha ay haweenaydani leedahay oo lagu qiyaaso in ka badan 9 shirkadood oo waaweyn iyo Huteel weyn oo Casri ah. Sannadkii 2012 waxa ay Maamule sare ka noqotay shirkadda soo saarta Dheemanta wadanka Angola kadib markii uu is casilay ninkii shirkaddaasi masuulka ka ahaa. Waxa ay laba bilood kadib isla maalmahaasi gacanta ku dhigtay laba sheer oo waaweyn oo ay ka kala iibsatay shirkad dhinaca warbaahinta ah oo ay ku leedahay 28% iyo waliba Baniga BPI oo ay iibsatay 19.5% waxaanay hanti ahaan ka heshay durba 465-Malyuun oo dollar. Marar badan waxa ay sheegtaa in ay tahay haweenay Ganacsato ah balse aanay ahayn siyaasiyad. 

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...