Ruushka Oo Gacanta Ku Dhigay Bisad Taleefaanada Gacanta U Tahriibin Jirtay Maxaabiista Ku Xidhan Xabsiyada Dalkaasi

Date:

Ciidamada ammaanka wadanka Ruushka ayaa saxaafadda u soo bandhigay Bisad ku nool wadanka Ruushka gaar ahaan magaalada Kazan taasi oo la xaqiijiyay in ay Moobilada gacanta lagu qaato si tuugo ah ugu tahriibin jirtay Maxaabiista ku xidhan jeelasha deegaankaasi taasi oo ay maxaabiistu aad ugu xidhnaayeen ugana xumaadeen markii la sheegay in Bisadii Moobilada u keeni jirtay gacanta lagu dhigay. War saxaafadeed ciidamada ammaanku ka soo saareen arrinka bisaddan ayaa lagu sheegay in Maalinimadii Jimcihii aynu soo dhaafnay booliska magaalada Kazan ay gacanta ku dhigeen Bisad muddo badan la tuhunsanaa oo Maxaabiista jeelasha wadankaasi qaar ka mid ah gaar ahaan ka ku yaalla magaalada Kazan u gudbin jirtay walxo qarsoodi ah sida Moobilada gacanta iyo walxo kale oo dhabarkeeda lagu soo qarin jiray inta xabag loogu soo dhajiyo.kkk

War-saxaafadeedkan waxa ay boolisku ku sheegeen in Bisadan koox maafiyo ahi u soo dhiibi jireen kuwaasi oo maxaabiista u soo gudbin jiray uguna soo dhiibi jiray Moobilo iyo agab kale oo yaryar oo qarsoodi ah sida Mikiinado iwm. Sida warkan lagu xusay waxa bisaddan agabka ay soo qaadi jirtay u soo dhiibi jiray dad kale kuwaasi oo caloosheeda dhinaca hoose ama dhabarkeeda ku soo habayn jiray oo ku soo qarin jiray hadba agabka ay doonayso in ay maxaabiista u gayso iyana si layaab leh ugu gudbin jirtay maadaama aanay ilaalada Xabsiyadu ka shakiyi jirin oo aanay u arkayn in bisaddani hawlo qarsoodi ah ku foogan tahay. Kholarov Mikhail oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska Kazan ayaa sheegay in baadhitaan ay arrinta Bisaddan ku sameeyeen ku ogaadeen in ay ugu yaraan 24 Moobil si qarsoodi ah muddo sannad iyo dheeraad ah ugu gudbisay maxaabiis kala duwan oo ku kala jiray xabsiyo dhammaantood ku yaalla agagaarka magaalada Kazan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...