Hargeysa (Wargane-News):- Anigu shakhsi ahaan saamaxnaakum baan leeyahay Ilaahayna ha u naxariisto. Shar iyo khayr wixii uu sameeyay Ilaahay baa kala xisaabtami. Anigase waxan aad ula yaabay inankan Abgaal ee Muqdisho oo gurigiisii ah uu Yugaandhiisku ku ilaaliyo ee Damjadiidka ahi sida uu uga been sheegay taariikhda.
Wax kasta oo wanaag ah oo Cali Samater uu ka sheegay ma diidani oo way jirtay in la isku raacsanaan jiray shakhsi ahaan in uu Cali Samater qof wanaagsan ahaa nin milatari ahaan dhisanna ahaa marka loo eego ragii ay isku jiilka ahaayeen. Xataa saraakiishii la soo shaqaysay ee taqaanay intaa way u wada qiri jiraan marka aan ku daro saraakiishii SNM ee iga taqaanay.
Lakiin intaas oo dhami kama beri yeeli karto dadkii rayidka ahaa ee 1988kii Hargeysa lagu gumaaday ee loo adeegsaday nooc kasta oo hubka culculus ah iyada oon loo kala ab yeelin dumar iyo caruur iyo waayeel.
Waa taariikh iyaduna dhacday oo aan lagu dawayn karin in la dafiro oo sida Xasan Sheekh la yidhaa “CID KELIYA OO KA CABANAYSA LAMA SHEEGIN” marka wanaag loo jeedo ee la doonayo in wax la wanaajiyo. Anigu ma dafirayo wixii wanaag amma wadaniyadnimo ah ee Cali Samater lahaa, lakiin kama siisanayo dameerka Abgaal ee muqdisho ka ciyay inu igu yidhaa DEGMADABA SHIL KAMA DHICIN.
Waxa aan qaadan karayo aniga oo goobjoog ahaa Cali Samater laftiisuna uu qirtay in isagu uu ahaa, waa sidii uu hadalka u dhigaye, highest ranked officer in charge who the order(waxan ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee goobta joogay amarkana bixiyay. Markaa Cali Samater saxba ha u arkaayo xiligaa lakiin muu dafirin.
Lakiin dunida oo dhami way ogtahay waana la qiray in awooda dabka ee dawladdu ay adeegsatay ay ahayd mid xad dhaaf ah oo ka badnayd intii daruuriga ahayd amma loo baahnaa. Waxa kale oo la qiray in hubka culus ee lagu isticmaalay Hargaysi uu ahaa mid aan loo miidan dayin si gaar ah loo bart ilmaameedsanayn dagaal yahankii SNM ee ahaa mid aan kala sooc lahayn taasi oo dhinaca xuquuqda aadamaha noqonaysa dhagar laga galay dadnimada(crime against humanity).
Cid taasi diidan oon ahayn dameerka Abgaal ee Xamar ka ciyay ma jirto. Marka aynu dad muslin ah nahay waynu ognahay in dadkii rayidka ahaa ee lagu gumaaday Hargayssa 1988kii ay ahaayeen dad ajalahoodii ay dhamaadeen oo dhintay saacadahoodii Ilaahay qoray inay dhintaan. Sababta mawdkuna way qornayd oo Ilaahay baa sii qoray.
Hadalka ninka Madaxwayne Soomaaliyeed sheeganayaa muu ahayn wax kale ee cudurka uu qabo iyo naciisa ayuun buu hadlay oo uu cadaystay. KU LAHAA DEGMADABA SHIL KAMA DHICIN ilayn garawshiiyena waa sed eh.
Ayaan daranaa Somalia ma kaasaa looga fadhiyaa oo soomaali isu keeni qarul masuulka qabyaaladiistaha ah. Anigu fili maayo inu Muqdisha isu hayn karo soomaali uu isu keeno daayoo. Wuxu u haystaa oo lagu yidhi Isaaqa ayaa Cali Samater necbaa aniguna waxan aaminsanahay oo aan qirayaa in Cali Samater uu kun goor ka wanaagsaanaa Xasan Sheekh oo aan soomaali wax uu yeelo mooyee wax uu taray iyo wax uu tari karo midina jirin.
Muqdisho iyo Hargaysi in aanay dib qaran u wada noqon doonin ayuu Xasan Sheekh inoo cadeeyay