Taariikhyahanadu inta badan iskuma waafaqsana ama la iskuma raacsana sida ay shucuubta adduunku u kala taariikh iyo fac weyn yihiin sidoo kalena taariikh ahaan lama hubo goobta ama goobaha adduunka ee ugu taariikh fog iyo taariikhda rasmiga ah ee ay jiraan inkasta oo guud ahaan goobo badan oo adduunka ah la isku waafaqsan yahay in ay yihiin goobihii adduunku ka bilaabmay ama ugu taariikhda fogaa, sidookalena ay ka soo bilaabantay xadaaradda adduunku. Wakhtiyo sugan iyo taariikh rasmi ah oo laga hayaa ma jiro cadadka ay jiraan dalalka adduunka ugu taariikhda weyni balse qormadan waxa aan ku eegi doonaa 10-ka waddan ee adduunka ugu taariikh weyn iyo tirada sannadaha ay jiraan oo lagu soo saaray cilmi baadhis muddo dheer laga waday arrinkaasi. Waxa jira dalal badan oo wakhtiga jiritaankoodu yar yahay iyo kuwo fac weyn oo qadiimi ah. Tusaale ahaan dalka Masar waxa la isku waafaqsan yahay in uu ka mid yahay goobaha tirada yar ee adduunka ugu faca weyn. Buuraha ahraamta ah, dhismayaasha qadiimiga ah iyo arrimo kale oo dalkaasi ka muuqdaa waxa ay marag ma doon u yihiin in uu ka mid yahay goob dhulka ka mid ah goobaha ugu faca weyn ee ugu hor aasaasmay ee aadame dego ama ku noolaado intii Ilaahay SWT adduunkan abuuray. Masar oo kali ahi ma aha meelaha adduunka ugu weyn balse waxa aan qormadan ku eegi doonaa 10-ka goobood ama dal ee adduunka ugu faca weyn leh oo sidan u kala horreeyaan:
1. Waddanka Ciraaq (Dhulkii Labada Webi)- 7300 Sano
Jamhuuriyadda Carbeed ee Ciraaq oo caasimaddiisu tahay Baqdaad waxa loo aqoonsan yahay waddanka ugu taariikh weyn adduunka. Juquraafi ahaan waa dhulka ku dhaca labada webi ee Dajla Iyo Furaat dhexdooda waxaanay taariikhyahanadu sheegeen in Ciraaq jirto in ka badan 7300 oo sannadood ka hor dhalashadii nebi Ciise CS hortii. Taariikhyahanadu waxa ay isku waafqsan yihiin in Ciraaq tahay dhulkii adduunka guudkiisa ugu horreeyey ee ay ka bilaabanto xadaarad iyo nolol casri ah kadib casrigii dhaxaga ee dadku duud galka iska ahaa. Waa dalkii ay soo mareen xadaaradihii kala dambeeyey ee dawladihii Akdiya, Baabil, Ashuuriya iyo kuwo kale oo badan waana dalka loola baxay in uu yahay hoygii iyo dhabtii xadaaradda adduunka. Waxa lagu xasuustaa Ciraaq dawladdii uu hogaamin jiray Imbaraadoorkii Akhmiiniyah iyo in uu ahaa dalkii uu 332 sanadood ka hor dhalashadii Nabi Ciise uu ku soo duulay Imbaraadoorkii Aliksandar (Alexander) iyo waliba galitaankii ay reer Furus soo galeen dalkaasi Ciraaq casrigii dawladdii Saasaaniya 226 tirsiga Miilaadiga ka hor dhalashadii Nabi Cuiise. Qarnigii 7aad taariikhda Miilaadiga waxa yimid wakhtigii uu dalkaasi furtay geeshkii islaamka ahaa wixii intaa ka dambeeyeyna waxa loo yaqaanaa magaca Ciraaq.
Nasiib darro Jamhuuriyadda Carbeed ee Ciraaq waxa xadaaraddeedii in badan oo ka mid ah raadadkii laga hayay ay ku baaba’een dagaaladii dalkaasi ka dhacayay tan iyo sannadkii 2003 wakhtigaasi oo xulufadii uu Maraykanku hogaaminayay ku soo duulay wixii intaasi ka dambeeyeyna dalkaasi uu u sii kala furfurmay isirro iska soo hor jeeda iyo dagaalo sokeeye oo dalkaasi aafeeyey. Si kastaba dalka Ciraaq waa xadaaradda adduunku halkii ay ka bilaabantay iyo dalka la isku waafaqsan yahay in uu yahay ka ugu cimro dheer adduunka ama ugu qadiimisan kaasoo jira in ka badan 7300 oo sannadood in ka badan inta la xasuusan yahay.
………La Soco