U Gaar Ah Xaawalayda: 7 Arrimood Oo Halis Weyn Oo Caafimaad Darro Ku Ah Haweenka Dalkeenna!

Date:

Ilaalinta caafimaadku waa arrin waajib ku ah qof kasta noloshiisa ha ahaato ama tan uu masuulka ka yahaye. Ilaahay SWT mar walba waxa aynu waydiisanaa Caafimaad iyo nolol wanaagsan waxaana muhiim ah in Caafimaadka Alle SWT ku siiyay aad ilaaliso oo aad ku dadaasho ka fogaanshaha wixii dhibaato Caafimaad darro kugu keenaya. Waxa jira Cudurro aad gacantaada ku doonato iyada oo qadarka Alle SWT mar kasta jiro oo aynu Rumaysanahay. Qormadan kooban waxa aynu soo qaadan doonaa 7 qodob oo Halis weyn ku ah Caafimaadka Haweenka, kuwaasi oo loo baahan yahay in Haweenaydu si weyn Isaga Dhawrto si ay u Ilaashato Caafimaadka Rabbi SWT ku Galladay. Toddobadan Arrimood waxa ay kala yihiin:

  1. Qaadista Walxaha Culculus: Guud ahaan dadka waxa laga waaninayaa oo Culimada Caafimaadku mar walba u sheegaan Halista ay leedahay Walxo Culus oo aad qaaddaa in ay saamayn Caafimaad darro kugu keeni karto, Haweenka si gaar ah waxa looga digaa in ay qaadaan Wax culus. Waxyaabaha u dhuuman kara ee aanay haweenku moodin in ay yihiin wax culus hadana halis Caafimaad darro ku keeni kara waxa ka mid ah, Qaadista Walxaha Biyaha Lagu Shubto sida Jirikaamada, Baaldiyada Culus iwm, Shandahada Dharka ee Culculus, Khudaarta, Gadbadaha Dhuxusha. Dhammaan Walxahani waa kuwo si maalinle ah noloshooda ugu xidhan. Dhibaatooyin Caafimaad oo dhinaca macdanta ah, Caloosha, Curuuqda iyo xubno kale ayaa ka dhasha in Haweenku qaadaan walxo culus, aadna waa looga digayaa.
  2. Labbiska Kabo Cidhib Dheer: Khubarada Caafimaadku waxa ay in badan ku soo celceliyaan Halista ku jirta Xidhashada Kabaha Cidhibta Dhaadheer leh kuwaasi oo la ogaaday in ay Xidhashadooda ka dhashaan dhibaatooyin Caafimaad darro. Casrigan aynu ku nool nahay Xidhashada Kabo Cidhib dheer lihi waxa ay noqotay hab dhaqan haween badan lagu ibtileeyey waxaana ka dhashay haliso caafimaad oo dhaxalkoodu xun yahay. Daraasado caafimaad oo kabaha cidhibta dheer lagu sameeyey waxa lagu ogaaday in ay si weyn wax u yeelaan Caafimaadka Jilbaha, Lawga, Laf-dhabarta iyo Guud ahaan Xangullada oo ah Marinada Laf-dhabarta dhexdiisa mara ee aadka u muhiimka ah. Xataa waxa la ogaaday in Kabaha dhaadheeri Halis galiyaan neerfaha haweenayda. Aakhirkana waxa ay kabaha cidhibka dheer xidhashadoodu keentaa Lafaha oo haweenayda jilca kadibna ay u fadhiisato Lafo xanuun joogto ah oo aan daawo wanaagsan lahayn.
  3. Qiijinta Buuriga: Wakhtigan aynu Joogno Dunida waxa si weyn fara baas ugu haya isticmaalka Buuriga. Haddii haweenka reer Galbeedku ku ibtilaysnaan jireen Qiijinta Sigaarka, maanta dunida Islaamka oo aynu ka mid nahay waxa dhibaato weyn ku haya Caado xun oo ah qiijinta Shiishadda iyo guud ahaan sigaarka. Dalkeena, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn waxa fara baas haweenkeena ku haya Cabidda Shiishadda (Badeecadda) oo ah Aalad Buuriga lagu shito oo inagaga timid dalalka Carabta iyo Itoobiya. Haween badan ayaa ilbaxnimo u haysta waxaase laga dhaxlaa Qiijinta Buuriga cuduro aan daawo lahayn, Mustaqbal xumo iyo Caafimaadkii noloshaada oo aad ku ciyaartay. Fuul-xumo Jidheed, Muuqaal bah dilan, Qoys burbur,dhaqaale baaba’, dhammaan waa dhaxalka Qiijinta Buuriga ee haweenow ka waantooba.

4.Gaajaysiinta Nafta; Haweenkeenu inta badan waxa ay caado u leeyihiin in aanay tix gelin cunto badan oo ay cunaan ama ugu yaraan in ay dhargaan oo saddexda wakhti si habboon wax u qaataan. Khubarada caafimaadku waxa ay ogaadeen in Gaajada badan laga qaado dhibaatooyin caafimaad sidoo kale ay khalkhal galiso nidaamka cunto qaadasho ee qofka, arrinkaasi oo mararka qaar keentaba in qofka ay ku dhacdo Amateed xumo iyo in aanu cuntada si habboon u qaadan. Haweenkeenu waxa ay ku odhanayaan Uumigii Cuntada ayaa igu baxay sidaa darteed waxba cuni kari maayo. Haweenayda Cuntada Karisay waxa ay ku kaaftoontaa dhadhamo yar oo aan macno lahayn iyada oo aaminsan in qofka isagu Cuntada kariyay aanay u dhadhamayn oo aanu hammuun wanaagsan u qabin Cuntada uu kariyay. Tallaabadani waxa ay keentaa in miisaanka jidhka haweenkeenu kordho oo haweenayda oo da’ yari durba fadhiisato. Sidaana ku waydo Jalaqsanaantii iyo Fudaydkii Jidhka ee dhallinyaranimadu ku lammaanayd.

  1. Labbiska Dharka Cidhiidhiga Ah (Dhejiska): Khubarada inta badan daraaseeya arrimaha Bulshadu gaar ahaan Kuwa Caafimaadka Bulsahdu waxa ay isku raaceen dhibaatada ka dhalata Xidhashada dharka Cidhiidhiga ah ee aynu u naqaano Dhejiska. Haafafka, Shaadhadhka, Funaanadaha iyo Toobabka dhammaantood dhejiska ahi waxa ay waxyeelo weyn oo caafimaad ku keenaan Haweenka. Xanuunada laga dhaxlo dharka Dhejiska ah sida Haafafka ama Surwaalada Jiiniska ah waxa ay kala yihiin Lafo Xanuuun, Kaadi Haysta oo Xanuun ku yimaad iyo waliba xanuunada ku dhaca Curuuqda iyo Lafaha. Dunida maanta aynu ku nool nahay Dharka Dhejiska ahi waxa ay noqdeen kuwo aad loogu ibtiloobay oo ay dadku ku odhanayaan waa Dirays Fashion ah. Haweenka, gaar ahaan Hablaha waxa la gudboon in ay ka waantoobaan labbiska noocan oo kale ah.
  2. Isticmaalka Badan Ee Mikyaajka: Walxaha la isku qurxiyo ee la mariyo Wajiga, Jdihka iyo Indhuhu waxa ay dhammaantood ka kooban yihiin in yar mooyiye walxo Kiimiko ah oo aan Caafimaadka u habboonayn. Khubarada dhinaca is qurxintu waxa ay muddooyinkan dambe Haweenka kula taliyaan in aanay Badsan Mikyaajka iyo Koofeerka badan ee aan dabiiciga ahayn. Coodhcoodh ku yimaad Maqaarka indhaha ka hooseeya waxa la ogaady in boqolkiiba boqol ay u sabab tahay Walxaha Mikyaajka ah ee la mariyo Indhaha agagaarkooda. Haweenba inta ay ka isticmaal badan yihiin Mikyaajka ayaa la ogaaday in ay ka hor gaboobaan oo jidhkoogu quruxdii Dabiiciga ahayd Lunto maxaadse u malayn Kiimikada jidhka la mariyo ee la isku caseeyo taasi meeshaba ma taallo oo waa Halistii ugu danayd.
  3. Haweenayda Oo Caadaysata Cuntooyinka Yarar Ee Degga Degga Ah: Haddii aynu xagga sare ku soo sheegnay haween badan oo lagu ibtileeyey in aanay si habboon wax u cunin oo ay gaajo inta badan ku joogaan iyaga oo aan is ogayn waxa kale oo laga digay in Haweenku qaataan Cuntooyinka yaryar ee degdegga ah. Ha joogto gurigeeda ama goobta shaqada waxa jira haweenku in ay aad u jecel yihiin Cuntooyinka yaryar ee aan Mar qaadashada weyn ahayn sida Hamburger-ka, Sandwich-ka, Chocolate-ka iyo Cuntooyinka shiillan ee Degdegga ah sida Jibista iyo Shawaarimada. Qaadashada Cuntooyinka yaryar ee fudud ee aan soo sheegnay waxa ay keenaan in qofku qaato isaga oo aan samayn Jimcisi habboon. Waxa ay tani keenaysaa markaasi in haweenaydu Buurato oo quruxdii Lumiso iyada oo ay caloosheeda ku kaydsamaan Dufan iyo Tamar aan si habboon loo gubin.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...