Somaliland: Nuxurka Kulan Dhowaan Dhexmaray Madax-dhaqameed Gobolka Awdal Iyo Qodobbada La Isku Mari waayey

Date:

Borama(Wargane) Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo ) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa dhawaan Boorama u tagay safar gaaban oo ujeedadiisu ahayd Casuumaad uu ka helay Jaamacada Camuud halkaas oo uu kaga qaybgalay munaasibad ay Ku qalin jabinayeen 682 arday oo dhamaystay qaybaha kala gadisan ee kuliyadaha Jaamacada Camuud.

Munaasibada xaflada qalin jabinta ka dib, Madaweynaha waxaa u qabsoomay kulan xasaasiya oo uu la yeeshay madax-dhaqameedyada Gobolada  Galbeedka.oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Gadabuursi, Suldaan Dhawal. Kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhnaa oo saxaafadu dibad joog ka ahayd waxaana lagu soo qaadey laba qodob oo aad xasaasi u ah sida ay shabakada Cadceednews u xaqiijiyeen qaar ka kamida oday dhaqmeedkii kullanka ka qaybgalay.

Qodobadaas oo kale ah:

1) Qodobka saami qaabsiga golaha Baarlamaanka oo ah qodob siyaasadeed oo salka Ku haya saluug weyn oo  galbeedku ka qabo miisaanka siyaasadeed ee gobolada galbeedku Ku leeyahay kuraasta golaha barlamaanka Somaliland.

2) Qodobka labaad waa dhul ama lix goobood oo degmada Lughaya hoos yimaada oo la damacsan yahay in diiwaangelin sharci daro ah laga qabto

Tan saami qaybsiga, Madaxweynuhu wuxuu ku taliyay oo uu usoo bandhigay in xalkeeda loo daayo xukuumada tiisa ka dambaysa ee ku soo baxda doorashada soo socota. Arintaas waxaa si cad u diiday odayadii oo cadeeyay in haddii isagu arinta go’aan ka gaadhi waayo in layska ilaawo wax doorasho ah oo galbeedka ka qabsoonta. Jawaabtaas oo la sheegay inay Madaxweynaha gantaal Ku noqotay, dood dheer oo kulul kadib Madaxweynaha ayaa gabagabadii isku dayay inuu xaalada dajiyo iskuna dayay inuu odayada ku qanciyo inay isaga ka warsugaan isagoo yidhi bal waan idinku soo war celin.

Qodobka labaad Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay in diiwaangelin laga qabto goobaha laysku haysto. Arintaas oo odayada ku noqotay rasaas ayay  odeyadu aamus dheer kadib kaga jawaabeen inay arrintaasi iyaga ula macno tahay colaad cusub oo xukuumadu gadhwadeen ka tahay waxayna tusaale ka dhigteen Taliyaha ciidanka Nuux Taani soo noqaqoshadiisa oo Marag u ah in dawladu bilaabayso xiisad colaadeed. Kullankaas ayaa la wariyay inuu ku soo dhamaaday natiijo laaan iyo is-afgaranwaa.

Madax-dhameedka rear Awdal ayaa shalay fariin adag u diray xildhibaanada Reer Awdal kaga jira labada gole ee Somaliland taasoo la odhankaro waxay ka dhalatay jawaabtii dabacsanayd ee ay kala kulmeen Madaxweyne Silaanyo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...