Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Maanta La Horkeenayo Go’aanka Kala Qaadista Labada Doorsho( Madaxtooyada & Wakiilada)

Date:

Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta oo Salaalaso ah la horkeenaya go’aanka kala qaadista labada doorsho, kuwas oo hore u qorshaysnaa in isku mar bisha saddexaad ee sannadka inagu soo aadan haddii alle idmo la wada qabto.

Sida warar xogogaal ah ay ku heshay Shabakadda wararka ee Warganenews.com, Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo hore go’aan dhankiisa uga gaadhay in la kala qaado Doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada, ayaa Golaha Wakiilada u soo gudbin doona warqad uu kaga codsanaayo inay u codeeyaan go’aanka kala qaadista.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo iyagu sii jeclaysanaaya inay sii fadhiyaan kuraasta, ayaa la filayaa inay Madaxweynaha ku raacaan kala qaadista.

Dhinaca kale waddamada Somaliland ka tageera Dimuquraadiyada, ayaa go’aankani niyadjab xun uu ku keeni doona, iyagoo filaayay inuu Madaxweynuhu go’aan ka gaadho saami qaybiga hortaagan doorashada Wakiilada. Geesta kale haddii kordhin danbe loo sameeyo Xildhibaanada hadda fadhiya Golaha Wakiilada oo baarka ka jaray sannadkii 13-aad, iyadoo la soo doortay 5-sanno oo kaliya, waxay cawaaqib xumo ku keeni doonta xuquuqdii muwaadinku xaqa u laha inuu wax doorto lana doorto.

Warganenews

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...