“Aniga Iyo Kooxdii Jamaal Cali Xuseen Waa Nagu Khasab Inaanu Wixii Ay Soo Saareen Gudida Ururadda Siyaasadu Ogolaano, Oon Dhagaysano”…Hadalkii Faysal Ka Yidhi Xukunkii Guddida Ururada
Bulshada Somaliland ayaa ku jahawareersan Fahamka Shaqsiyada Dhabta ah ee Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Halka uu mudooyinka dambe uga soo dab qaato hurinta iyo Sii wadista Khilaafka Ka dhex aloosan Xisbiga UCID ee uu Isagu aasaasay islamarkaana uu Gudoomiyaha ka yahay,Waxaanay markale afkala qaad noqotay kadib markii uu Doraad Racfaan ka qaatay Go’aankii Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadu Ka soo saareen Khilaafka Xisbiga UCID ee uu markii hore taageeray,soona dhaweeyay.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Racfaan u qaatay Maxkamada kadib markii uu in muddo ah ka Meeraysanayay Fulinta Go’aankii Gudida Diwaangalinta Ururadu ku soo rogtay labadii garab ee Xisbiga Ucid,islamarkaana uu garabkii kale ee uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu si kalsooni leh ugu dhaqaaqay Fulinta Hawshii lagu xukumay,waxa uu garabkiisu markiiba soo xuleen Xubnihii umatalayay Qaban qaabada Shir Weynihii ay Gudida Diwaangalintu ku amartay inay Masuuliyiinta labada garab ee Xisbiga UCID si wada jir ah u qabtaan.Waxa faysal Cali Waraabe Laga sugayay ku dhawaaqista Xubnihii garabkiisa ahaa ee qaban qaabinta Shirkaasi,balse waxa uu u leexday jiho kale oo uu ku burinayo Go’aankii uu taageeray ee Gudida Diwaangalinta Ururadu ku khatimeen Khilaafka Xisbiga UCID.
Hadaladii uu Faysal Cali Waraabe Warbaahinta u jeediyay maalintii ay Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Somaliland Xukunka ka soo saareen Khilaafka Xisbiga UCID ee uu ku taageeray ayaa waxa ka mid ahaa “ Aniga iyo Kooxdii Jamaal Cali Xuseen Waa nagu khasab inaanu wixii ay soo saareen Gudida Ururadda Siyaasadu aanu ogolaano,oon dhagaysano,Anagu waxaanu u aragnaa Guud ahaan Go’aankaasi ay soo saareen inay u raaceen Sharcigii Xisbiga iyo Sharcigii Xeer.14-ka,Waanu soo dhawaynaynaa,Alxamdulilaahi Rabi caalamiin,Waxaanu u aragnaa Guul,Waanu qaadanay Xukunkaasi”.waxa uu faysal maalintaasi muujiyay Kalsooni badan oo ku soo dhaweeyay Xukunkaasi Laga soo saaray Khilaafka Garabyadii ku hirdamayay Xisbiga UCID,balse waxa uu dib go’aan uu kaasi ku burinayo Doraad u qaatay Abiil Maxkamada, waxaana la eegi doonaa halka ay labada garab ee Xisbiga UCID iskala dhacaan iyo inay Maxkamadu Ayido Xukunkaasi ka soo baxay Gudidii ugu fasiraada dhawayd ee gacanta ku haysay Xeerarkii iyo heshiisyadii dhex maray Garabyada Xisbiga UCID,iyo Xeerarka ururada iyo Axsaabta Siyaasaba Somaliland.
Faysal Cali Waraabe ayaa loo arkaa shaqsi aan xor u hayn go’aan ka gaadhista iyo soo afjarista Khilaafka Xisbiga UCID,balse uu ka soo shidaal qaato Xisbiga KULMIYE iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan,maadaama oo uu mudooyinka dambe Xulufo la noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiinta ku xeeran. Waxa inta badan lagu arkaa Huteelada waa weyn ee laga cunteeyon ee Magaaladda Hargeysa,Eng Faysal Cali Waraabe oo la majaalisaya,gacmahanna ay ishaystaan masuuliyiin ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbigaasi,kuwaasi oo talo joogta ah siiya Faysal,islamarkaana saamayn wayn oo mugleh ka qaata Hurinta Khilaafka Xisbiga UCID oo hadda u muuqday inay soo afmeereen Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Somaliland oo meel loo dhaafaa aanay jirin. Dhinaca kale war-saxaafadeed Xisbiga UCID garabka Faysal Cali Waraabe ka soo saareen arrinta rafcaanka ay u qaateen Maxkamadda sare ayaa u dhignaa sidan: 1. Sida lala wada socdo waxa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ay soo saartay 21/07/2016 go’aan maamul. Go’aankaas oo ay ku ayiday doodii gudoomiyaha Xisbigga UCID ee ahayd in is-afgaradka ku taariikhaysan 12/7/2012 ee ay wada galeen gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo ay tahay in loo gudbiyo Shirwaynaha Xisbiga UCID si uu uga go’aan gaadho is-afgaradkaas iyo wixii ka dhashayba. Waxase Gudidu ay faro-gelisay qaabka ay tahay in loo qabto Shirwaynaha iyada oo ay jiraan xeerar si cad u tilmaamaya qaabka loo maamulo, loona qaban qaabiyo shirwaynaha Xisbiga UCID.
2.Hadaba, Hogaanka Xisbiga UCID iyo Golaha Fulintu iyaga oo la tashaday xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga islamarkaana si dhow u dersay Xeerka Xisbiga iyo Xeerka Nidaamka Ururuada iyo Asxaabta, Xeer Lr. 14/2001 waxaay go’aansadeen in dacwad loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo awood u leh.
3.Sidaasdarteed, maanta oo ay bishu tahay 13kii August 2016, waxa qareenada gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ay gudbiyeen rafcaan ka dhan ah Go’aanka Gudida.
4.Sidaas awgeed, waxaanu la socodsiinaynaa shacab waynaha Somaliland, xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga in mar walba ay waajib tahay in la raaco Xeerka Xisbiga islamarkaana hogaanka Xisbigu uu qaadayo talaabo kasta oo sharci ah oo uu ku hubinayo in loo hogaansamo shuruucda Xisbiga iyo xeerarka dalka. Mar walbana ay saraynta leeyiihin Xeerka Xisbiga iyo xeerarka dalku ayna yihiin waxa keliya ee lagu dhaqmayo”. Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga UCID Md. Yusuf Kayse CabdiLaahi.