Somaliland: Oo Wax Laga Weydiiyey In Shirkadda DP World Ay Bilowday Qaadashada Shaqaalle Cusub Iyo In Kale

Date:

“Dadka wararka beenta bulshada ku marin habaabinaya waxaan leeyahay aakhiradiina u tudha, hadaad aduunyadii ka quusateen….”

Mr. Baashe Cawil Cumar, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin  diidmo Soomaaliya ama wadan kale hordhigo oo baajinaya hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera shirkada DP World, maadama uu ahaa hindise labada dhinac saxartireen.

Mr. Baashe Cawil oo su’aalo la xidhiidha heshiiska maalgashiga dekeda iyo warar warbaahinta qaarkood ku qoreen in shirkada Dp World bilawday qaadashada shaqaalaha cusub uu weriye Maxamuud Walaaleye khadka telefoonka ku weydiiyey isagoo jooga Dubai, ayuu ku bayaamiyey inaanay waxba ka jirin wararkaa, isla markaana yihiin been bulshada loola badheedhay. Waxaanay u dhaceen su’aalahii iyo jawaabahii la weydiiyey sidan:

Safiir Baashe, maadama golaha wakiiladu cod aqlabiyad ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga xukuumada iyo shirkada DP World, waa maxay talaabada xigta wakhtigan?

  1. Golaha wakiiladu waajibkii ka saarnaa horumarka dalka iyo dadka Somaliland ayuu gutay, waanan ku hambalyeynayaa, aqlabiyadii ay ugu codeeyeen, intii diiday ama ka aamustayna fikirkooda waa u xor. Waa guul u soo hoyatay guud ahaan bulshada Somaliland hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, Ilaahay mahadii, waana dhaxal ay u aayi doonaan jiilashada dambe, kolay weli heshiisku waxuu marayaa dhamaystirka talaabooyinkii ka horeeyey oo ansixintii golaha Baarlamaanku qeyb ka ahayd, waxa xilligan hadhay waa in Somaliland iyo shirkada DP World si rasmi ah u kala saxeexdaan heshiiska maalgashiga dekeda Berbera, oo boqolkiiba 100% ah nuqulkii la ansixiyey oo faahfaahsan, una ballansan yihiin guddiga Wasiirada iyo madaxda shirkadu dabayaaqada bishan.
  2. Maxaa ka jira warar warbaahinta qaarkood u qorayeen in la bilaabay qorista shaqaale cusub oo shirkada DP World qaadanayso iyo qeybaha ay ka kooban yihiin?
  3. Wararkaasi waa been cad, oo aan sal iyo raadtoona lahayn, waxaan filayaa in qolyaha wararkaa beenta qoraya in caqligoodu gaaban yahay, hadaanay calooshooda la ciyaarayn, ilayn qofkii garaad leh wuu garanayaa inaan heshiis aan weli dhamaan waxba ka horeyne, ta labaad, sida heshiiska DP World & xukuumadu dhigayo muwaadiniinta Somaliland ayaa ka faa’iidaysan doona shaqooyinka iyo mashaariicda dhismaha dekada, oo mudnaanta koowaad leh, hawlahii dadkeenu qaban kari waayaan mooyee? markaa dadka wararka beenta ah bulshada ku marin habaabinaya waxaan leeyahay aakhiradiina u tudha, hadaad aduunyadii ka quusateen.
  4. Shalay nin u hadlay xukuumada Soomaaliya waxuu sheegay in heshiiska DP World iyo Somaliland sharci-daro yahay, sidaad u aragtaa, wax saamayn ah hadalkaasi ama diidmo ka timaada Soomaaliya oo aduunku aqoonsan yahay ma ku yeelan karaa hirgelinta heshiiskan?
  5. Aduunka ma jiro qof meel cidla ah hantidiisa ku tuura, iska daa shirkad caalamka kuwa ugu horeeya sida DP World ahe, waxay heshiiskan ugu soo dhiiradeen markii dhinac walba ay daraasad kaga sameeyeen faa’iido iyo khasaare ama caqabado waxii kaga iman kara, una soo baxday natiijo ay ku qanceen dhinac walba, kuna kalsoonaadeen balanqaadka Madaxweynaha Somaliland ayey saxeexidiisa la galeen xukuumada, ma jiro diidmo Soomaaliya ama wadan kale hordhigo oo baajinaya hirgelinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera shirkada DP World, Insha alaah.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...