Labada Wasiir ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayuu hirdanka biyaha hoostooda ee u dhaxeeya wuxuu hadda u muuqda mid xayndaabka soo dhaafay. Labadan Wasiir oo isku degaan ka soo jeeda, waayaha qaarna dhinac kubadda u wada laadi jiray, waxay xurguftoodu ka bilaabantay markii Madaxweynaha Somaliland xilalka Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud u kala magacaabay.
Wakhtigaas oo ay jagooyinka baneeyeen siyaasiyiintii ka cadhooday shir weynihii Xisbiga KULMIYE. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo markii hore ahaa Xildhibaan ku fir fircoon dhinaca Golaha Wakiilada, wuxu siweyn u filaayay in loo magacaabi doono Wasiirka Madaxtooyada, maadama oo u isu arkaayay inuu yahay ninka kaliya ee buuxin kara booskii Ex Wasiir Xirsi. Halka Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka soo ruqaansaday dhinaca Wasaarada Duulistu tirsanaayay khibrad iyo aqoonin hore oo ka dhaxeeyay Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba xaalku ha noqdee Waxay labadan Wasiir kala calafsadeen xilalka Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud, iyadoo hay’adii wadooyinkana dabcan ay hoos imanaysay Wasaaradda loo cumaamaday Maxamuud Xaashi. Balse Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo xariif ku ah ololaha qof iyo qofka ah, wuxuu isku qanciyay inuu soo dhacsado hay’addii wadooyinka oo u hoos keeno Hawlaha Guud. Halkaas ayay ka bilaabantay isa seega Saxiibadi u midoobay inay meesha dhaafiyaan Wasiiro tiro badan oo Xilka Iska casilay.
Tan iyo wakhtigaas, iskuma san banaanayn labada Wasiir. Waxaanu ololahoodu saamayn ba’an ku yeeshay Jilibada hoose ee Beesha Bariga Burco oo ay labaduba ka soo wada jeedaan. Tusaale ahaan shir dhawaan Beesha Abokor Axmed, oo kamid ah Beelaha Axmed Faarax, ku qabsatay Degaanka Qoryaale, labada Wasiir waxay siweyn ugu laac dameen shirkaas oo la filaayay in lagu soo xulo Xildhibaankii Beeshaasi Baarlamaanka u soo xuli lahayd, Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu ah Wasiir ka xoogan xagga dhaqaalaha marka loo eego dhigiisa Hawlaha Guud, wuxuu waday wiil gacan yare u ah kana soo jeeda Beesha Abokor Axmed. Halka Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ku xoog badan ama dhigiisa Madaxtooyada kaga awood badan dhinaca Xisbiga KULMIYE, uu isna waday xubin kale oo ka soo jeeda isla beeshaas, in kasta oo aan midna ku guulaysan, shirkiina isku raacin mid qudha hadana waxa siweyn u muuqanaysay kala jiidasha labada Wasiir ee shirkaas.
Dhinaca kale maha oo qudha shirarka iyo kala urursiga xulufaysiga meelaha laga dareemayo hirdankooda, waxayse qaybsanaan toodu siweyn u soo baxdaa marka Madaxweynuhu safar uga soo baxo Madaxtooyada, iyadoo la arko labada Wasiir oo u kala dheraynaaya ku dhawaanshaha Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaate dhinaca hoggaanka Xisbiga KULMIYE ayaa iyagu siweyn ula safan Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ay u arkaan inuu uga laab xaadhanyahay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, dhinaca la doonida kursiga ugu sareeya Waddanka oo u utaagan yahay Muuse Biixi Cabdi.