Shirkii beelaha garxajis ee mudooyinkii u danbeeyeyba qaban qaabadiisu ka socotay gudaha magaalada hargeysa ayaa saaka si rasmi ah uga furmay hotel maroodi-jeex ee magaalada hargeysa.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen salaadiin,cuqaal,waxgarad iyo waliba siyaasiyiin miisaan culus ku leh beelaha garxajis ayaa waxa uu socon doonaa muddo laba casho ah.
Ujeedada shirkan ayaa ah sida ay madax-dhaqameedku ka dhawaajiyeen mid ay kaga tashanayaan aayahooda,sidoo kalena layskugu laaba xaadhayo labada beelood,iyaga oo sidoo kalena madax-dhaqameedkani ay sheegeen inaanu shirkani ahayn mid wax u dhimaya qaranimada iyo amniga somaliland toona,balse ay kasoo bixi doonaan go’aamo dan u ah qaranka iyo dadkaba.
Shirkan oo ay furitaankiisa warbaahintu dibad joog ka ahayd ,ayaa waxa sida xogo ay helayso shabakada wararka WarganeNews shegayaaan in furitaanka shirkaasi lagu doortay todoba xubnood oo shirwaynaha u noqon doona shirgudoon kuwaasi oo laga soo kala xulay ardaayadii beelaha garxajis ee shirayay.
Waxaan todobadan xubnood loo doortay sida naloo sheegay inay gudoomiyaan shirwaynaha iyada oo shirwaynahanina uu soo xidhmi doono maalinta bari ah.
Waxaana la filayaa in madax-dhaqameedka beelaha garxajis ay maalinta bari ah ku dhawaaqaan go’aamada kasoo baxay shirkan ay yeesheen.