Somaliland: Shil Baabuur Oo Xalay Ka Dhacay Badhtamaha Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa+Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

Date:

Shil baabuur ayaa xalay abaaro 11 habeenimo ka dhacay badhtamaha suuqa wayn ee magaalada hargeysa.

Waxaana shilkan baabuur ee dhacay uu ahaa isku dhaca laba gaadhi oo kala ahaa kuwa loo yaqaano gawaadhiga raaxada ee Crown iyo gawaadhida yar yar ee loo yaqaano Taxi ama dukhaan.

Waxaana shilkan baabuur uu ka dhacay agagaarka fooqa Imaaratul Khayr gaar ahaan xawaalada Dahabshiil,waxaan labadan gaadhi markii ay isku dhaceen uu sababay in gaadhigii yaraa ee Taxi ahaa dhaco,isla markaana qalibmo.

Waxaana shilkan baabuur ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawalka waday gaadhiga yar ee Taxi-ga ah ee dhacay oo sida naloo sheegay ay xaaladiisa caafimaad aad u cuslayd,waxaana markiibana loola cararay cusbitaalka magaalada hargeysa.halka ay khasaare burbur xoogan ahi soo gaadhay labadii baabuur ee isku dhacay.

Si kasteba ha ahaatee waxa mudoyinkii u danbeeyeyba soo badanayya shilalka baabuur ee ka dhaca gudaha magaalooyinka kuwaasi oo gaysta badanaa khasaare naf iyo maalba leh.

IMG_20160813_023555-740x555 IMG_20160813_023530-740x555 IMG_20160813_023519-740x555 IMG_20160813_023502-740x555

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...