“Wasiirul Dawlaha Waxbarashada Oo Amray Inuu Agaasimaha Guud Shaqada Ku Soo Noqdo Iyo Wasiir Xigeenka Oo Hor Istaagay”
Agaasimihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Abiib Axmed Cali ayaa wali Dibada ka jooga xafiiskiisa kadib markii ay isku dhaceen Wasiirkiisa,islamarkaana uu Wasiirku amray inaanu Agaasimiuhu soo gali Karin Xayndaabka Wasaaradda Tacliinta, waxaanay arintaasi keentay kala qaybsanaa xoogleh oo ka dhex unkantay Wasaaradda,Waxaana soo baxaya Masuuliyiin taageersan Amarka Wasiirka iyo Masuuliyiin ka soo horjeeda oo Agaasimaha la mawqif ah, jecelna inuu Agaasimuhu shaqada ku soo noqdo.
Wararka Wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay sida ay Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashadu ugu kala arag duwanaadeen go’aanka uu wasiirka Waxbarashadu shaqada kaga caydhiyay Agaasimaha guud ee uu xafiiskiisa uga xidhay,iyo saamaynta taban ee ay arintaasi ku keentay guud ahaa Shaqaale waynaha Wasaaradda Waxbarashada ka hawlgala. Wasiirul Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa doraad amray inuu Agaasimaha Guud xafiiskiisa soo fadhiisto oo uu shaqada yimaado wakhti uu wasiirkii safar Dalka Itoobiya ugu maqan yahay,waxaana amarkaasi hor istaagay oo diiday in Wasiirka la gacan dhaafo,Wasiir ku xigeenka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Md Yuusuf Cismaan Garas,kaasi oo ku dooday sida la sheegay in sharci ahaan aanay jirin cid Wasiirka ka saraysaa.
Agaasimaha Guud ee Shaqada laga joojiyay Abiib ayaa Doraad isku dayay inuu Gudaha u galo Wasaaradda balse waxa la tacaalay oo u diiday inuu galo Laba askari oo wasiirku hor dhigtay Albaabka hore ee Wasaaradda islamarkaana uu ku balamiyay inaanay soo dayn Agaasimaha. Waxa la arkayay Doraad Agaasimaha iyo Askarta oo isku haysta afaafka hore ee Wasaaradda laga galo iyadoo uu agaasimuhu ku doodayay inuu haysto amarka Wasiirul Dawlaha oo sida uu sheegay la soo hadlay uguna yeedhay inuu Xafiiskiisa yimaado.
Waxa haddana Wasaaradda ka istaadhmay muran kale oo sharci oo ka dhex aloosan masuuliyiinta shaqada uga hoosaysay Wasiirka. Wasiir Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa Shalay galabtii ku soo laabtay dalka kana soo noqday Safarkii uu Itoobiya Ugu maqnaa Waxaana la eegi doonaa halka ay iskala dhacaan Isaga iyo Agaasimaha guud iyo kii awood bata ee taageero ka hela Dhinaca Madaxtooyada.