Somalia: Shirka Madasha Hoggaamiyasha Qaran oo axadda la soo geba-gebaynayo -jadwalka akhri

Date:

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa weli si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo la rajeynayo in beri si rasmi ah loo soo afjaro.

Ilaa iyo haatan waxaa uu shirku ku tallaabsadey horumar la xiriira dedejinta arrimaha doorashada lagu wado inay sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Waxaa sidoo kale la isku afgartey in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo in si buuxda loo taageero hawlaha guddiga doorashada ee heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.

Jadwal qabyo ah oo saxaafaddu aragtey ayaa lagu qeexay in doorashada Afhayeenka baarlamaanku dhacayso dhamaadka bisha Oktoober, halka tan Madaxweynuhu dhacayso horaanta Nofeember.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.

Waxaa la filayaa in gebagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed qeexaya qodobada la isku afgartey.

Jadwalka hoos ka akhri:

TAARIIKHDA SHAQADA MASUULIYADDA
4-6 Agoosto
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida  xubnaha guddiga
4-6 Agoosto
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida  xubnaha guddiga.
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka;
  • Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo
7-13 Agoosto
  • Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada
  • MHQ
  • MHQ
14 Agoosto -20 Agoosto
  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD)
  • (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada) GFHDD/QM –
21 Agoosto – 24 Agoosto
  • Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
  • Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .
GDGDD/GFHDD
25 Agoosto – 10 Siteembar
  • 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya  liiska magacyada ergada
  • Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
  • Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka Madax Dhaqameedka
GDGDD/GFHDD
25 Siteembar
  • Dhisida iyo soo gudbinta  xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha Siteembar 25-da, 2016 MHQ
MHQ
11-30 Siteembar
  • Baahinta Waqtiga  Diiwaangalinta Musharixiinta
  • Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo DiiwaangalintoodaDiiwaangalinta Korjoogtada
GFHDD
01-14 Oktoobar
  • Doorashada Golaha shacabka
GDGDD/GFHDD
15- 17 Oktoobar
  • Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah
GFHDD
18 Oktoobar
  • Dhaarinta Golaha Shacabka Maxkamadda Sare
Maxkamadda Sare
28 Oktoobar
  • Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka
Baarlamaanka
07 Nofeembar
  • Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya
Baarlamaanka

Fasiraada erayada la soo gaabiyey:

MHQ: Madasha Hogaanka Qaran

GFHD: Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban

GHDG: Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...