Somaliland: Guddoomiyaha WADDANI Oo Baaq Nabaddeed U Diray Beelo Walaalo Ah Oo Dirir Ku Dhex-martay Deegaanka Darar-weyne Ee Degmada Ceel-afweyn.

Date:

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa baaq nabaddeed u diraaya laba beelood oo walaalo ah oo maalmahii ugu dambeeyey dirir ku dhex-maraysay deegaanka Darar-weyne ee degmada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ugu baaqayaa labadaa beelood ee walaalaha ah in ay joojiyaan dirirta colaada, maadaama dagaal wiil ku dhinta mooyee aanu wiil ku dhalan sida oo kale na ay u hoggaansamaan wax-garadka, cuqaasha iyo sulaadiinta ka shaqeynaaya dejinta xiisaddaas colaadeed, horseedna ay u noqdaan wada-noolaashiyo iyo nabad waarta oo dhex-marta.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyn uu ugu baaqay xukuumadda iyo golaha Guurtida Somaliland in ay si deg-dag ah uga gurmato deminta colaadaas isla mar ahaantaana loogga shaqeyn lahaa wada-jirka, wada-nolaashiyaha iyo nabadda labadaas beelood ee walaalaha ah.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...