Kulamo Ay Xukuumaddu Dabada Ka Riixaysay Oo La Damacsanaa In Lagu Kala Daadiyo Cududa Dadka Ka Soo Horjeeda Oo Fashilmay
Dhaqaaqayadii ugu dambeeyay ee ay Xukuumaddu ka dhex Waday Beesha ka soo jeeda Deegaanka Gobolka Saaxil ee Marsada Berbera ayaa guul daro ku soo idlaaday kadib markii ay Xukuumaddu Hawlgalo dejin ah ka fulisay Magaalada Berbera iyo Gobolka Maroodi jeex oo ay kulamo ugu qabatay Huteelo Hargeysa kuyaala.
Wararkii ugu dameebayay ee Wargeyska Foore ka helay Hawlgaladan oo ladqabo iyo Dejin iskugu jiray oo ay Xukuumaddu labadii caano maal ee u dambeeyay ku mashquulsanayd oo ay ka dhex waday Salaadiinta, Cuqaasha, Dhalinyarada,Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta iyo Garabada Haweenka Beesha Ciise muuse ayaa tibaaxay inay quus ku soo idlaadeen kadib markii ay Beeshaasi ku adkaysatay inay ka midaysan yihiin Dhaqaaqyada lagaga soo horjeedo Dhaxal Wareejinta Dekeda Berbera Iyo Qabashada shirweynaha Baxarasaafka,kaasi oo Qaban qaabadiisa laga dareemayo Magaalooyinka Hargeysa,Burco iyo Berbera islamarkaana la aaminsan yahay inuu Bishan aan ku jirno qabsoomo,Waloo ay Xukuumaddu si weyn uga soo horjeedo,dagaalna ay kula jirto oo ay Dad u xidh xidhay.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay safar ugu maqnaa Gobolka Saaxil ee Bebera,Waxay Kulamo la yeesheen Geelayaasha Dekeda Berbera(Muruq maalka), iyo Masuuliyiin kale oo Gobolkaasi ka soo jeeda ,waxaanay Kulamadaasi ku soo dhamaadeen Guul daro kadib markii ay Hungo kala kulmeen islamarkaana meelaha qaar lagaga mudo haraaday oo lagu hooriyay,warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Madaxtooyaddu Magaaladda Berbera uu meelaha Qaar uu kala kulmay Nacayb Gaar ah oo ay dadka Deegaankaasi u hayaan,kuwaasi oo si gaar ah isaga u bartilmaameedsaday islamarkaana Hadalo uu ka naxay oo garnaqsi ah ku tuuray. Waxa ay Wasiiradaasi Berbera u tageen inay Dadka Deegaankaasi ee kacsan dejiyaan laakiin waxa ay kala kulmeen Hungo.
Dhinaca kale,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa iyaguna dhinacooda Hargeysa kulamo kula yeeshay Salaadiin iyo Dad magac ku leh Gobol Saaxil,waxaanay kulamadaasi ku soo afmeermeen natiijo la’aan kadib markii meelaha qaar uu ka dhex siraatay Buuq iyo is Afgaranwaa. Wararka aanu ka helnay Kulamadan Hargeysa ka dhacay ayaa tibaaxay in ujeedada Kulamadani Salka ku hayeen Qorshe la doonayay in dad Magac leh oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil lagu horgeeyo Madaxweyne Siilaanyo balse waxa ay kulamadaasi ku soo idlaadeen Guul daro,iyo meelaha Qaar oo la sheegay in la isku faro saari gaadhay,waxa ay Kulamadani qaar ka mid ahi ka dhaceen Huteelada Imperial iyo Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Madaxtooyadda Somaliland ayaa Quus ka taagan inay Kala furfurto Dadka Deegaanka Berbera ka soo jeeda waxaanay u dhawdahay inay Dhaq dhaqaaqyadani iyo Buuqan ay Xukuumaddu maaraynta u wayday uu dhaawac u gaysto Guud ahaan Heshiiskii xukuumadda iyo Shirkada DP-World,maadaama oo ay Masuuliyiinta Shirkadaasi isha ku hayaan, lana socdaan Dhaqaaqyada lagu diidan yahay Maalgashigooda oo mad madaw badan lagu sheegay iyo Qaabka ay u dhaqmayso Xukuumaddu. Iyada oo ay wali xidhan yihiin salaadiin iyo dad tiro badani.