Somaliland: Xisbiga Kulmiye Iyo Xumadda Siilaanyo Waxa Ku Faani Jiran Xirsi Waxaanu Qaban Boqolkiiba 50% ayuu Ka Ahaa, Markaa Waa In Loo Mahadnaqo” Sheekh Aadan Siiro.

Date:

“Xirsi (Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada) Wax Qabadka Xisbiga KULMIYE Ku Faano Boqolkiiba 50% ayuu Ka Ahaa, Markaa Waa In Loo Mahadnaqo” Sheekh Aadan Siiro.

“Waa In La Sameeyo Hay’addihii Sawaajka Guurka, Waayo Rer Somaliland Dhalinyaradda Qaxaysa In Laysu Guuriyo Oo Tarmaan Ayay Ku Xasilayaan”. Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ah culimada sida weyn shacbigu u dhagaystaan, ayaa ka markhaati kacay in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan uu door kalabadh ah ka ciyaaray waxqabadka lagu majeerto Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ex. Wasiir Xirsi, oo Madaxweyne Siilaanyo u ahaa gacanyaraha ugu dhaw guna fir-fircoon muddo shan-sanno iyo dheerad gaadhaysa, kahor intaanu xilka iska casilin bishii tobnaad ee sannadkii tagay 2015, ayuu Sheekh Aadan Siiro sheegay inuu aha mashiinka dhaqaajinaayay wax qabadadii Xukuumaddu hirgalisay. Sheekha oo ka hadlaayay Casuumad hadhimo sharafeed aroos ahayd oo uu martiqaadkeeda laha Ex. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan, taas oo ahayd guurka wiil uu dhalay, waxa hadaladii Sheekh Aadan Siiro kamid aha.

“Waxan u mahad naqayaa Xirsi Cali Xaji Xasan, waa in loo mahadnaqo, waayo waxqabadka uu Xisbiga KULMIYE ku faano (%50) boqolkiiba konton ayuu ka aha marka xaqiiqda la sheegayo, masuul kasta oo ummadan xil u qabtana tariikhda ayaa xusi doonta, Xirsi-na horumar bdan ayuu ku dhiiraday waxayna u gashay tariikhda”.

Sheekh Aadan Siiro, oo hadalkiisa sii wata wuxu geesta kale ku baaqay in la sameeyo hay’addo ka shaqeeya fudaydinta guurka, wuxuuna yidhi. “Nin aqoonyahan rer Somaliland ah ayaa daraasad cilmiyana ku sameeyay dhalinyaradeena waxaana soo baxday in %60, shacbiga Somaliland habluhu yihiin, sidoo kale adduunku wuxuu maanta ku tartamayaa waddanba midkuu ka shacbi badanyahay. Sidaa daradeed waxaan ku baaqaya in la dhiso hay’adihii sawaajka, annaga ka qayb qaadanayna oo inta ugu badan bixinayna waa in la hirgaliyo, dhalinyaradeena qaxaysa waxa lagu nagayn karaa guur iyo inay tarmaan waana sababta loogu soo duulay ee loo hayaaminaayo markaynu calankeena Tawxiidka leh halkaas sudhnay, inteena halkan joogta waxa ugu badan timo madawga, marka waxaanu leenahay waar halaga shaqeeyo sidii dhalinyaradda laysugu guurin laha oo haladhiso hay’adihii ka shaqayn laha.” Sidaa waxa hadalkiisi ku soo xidhay Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray ( Aadan Siiro) .

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...