Somalia ayaa fal-celin ka bixisay hadal ka soo yeedhay hogaamiyaha xisbiga Cord, Raila Odinga oo hoosta ka xariiqay in bulshada caalamku Somaliland u aqoonsado dawladd Madaxbanaan.
Ambassador Gamal Hassan, oo ah wakiilka Somalia u qaabilsan dalka Kenya ayaa hadalka Raila ku tilmaamay mid masuuliyad daro ah oo waxyeelaysa madaxbanaanida dalkiisa.
Raila ayaa lagu soo waramay inuu sheegay mar uu hadal ka jeediyey Chatham House, London, inuu taageersan yahay in si buuxda loo aqoonsado Somaliland.
.@RailaOdinga states his personal support for the recognition of #Somaliland's independence #CHAfrica
— Chatham House Africa (@AfricaProg) July 29, 2016
“Waxaan si xoogan u taageersanahay in si buuxda loo aqoonsado Somaliland” ayuu yidhi.
Hase yeeshee Amb Hassan oo ka biyo diiday hadalka Raila ayaa yidhi: “Hadalkaasi waa mid aan wanaagsanayn. Waana mid su’aal galinaya madaxbanaanida dhuleed ee Somalia,”
“Arimaha siyaasada Somalia waa in loo daayaa Soomaalida. Siyaasiyiintuna waa inay ka fogaadaan arimaha noocan oo kale ah. ” ayuu yidhi Amb Hassan.
Read More: Somaliland: Raila Odinga oo Si Weyn U Taageeray Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland
Jawaabo kala duwan oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaarada Somalia ay ku leedhaay Kenya ayaa ka dhan ahaa Raila “damaging”.
“midnimada, madaxbanaanida iyo jiritaanka dhuleed ee Somalia waa mid aan la kala googoayn karin” ayay tidhi Safaarada Somalia.
Irresponsible & damaging STATEMENT. Unity, sovereignty & territorial integrity of #Somalia is inviolable #CHAfrica https://t.co/xZ25ctVo4r
— Somali Embassy Kenya (@SomaliEmbKenya) July 30, 2016
Somaliland oo caasimadeedu ay tahay Hargeisa oo aan si caalamiya loogu aqoonsanayn qaran madax banaan, balse badanaa loo tixgaliyo dawlad iskeed isku xukunta.
Waxaanay ku dhawaaqday inay ka madaxbanaan tahay Muqdisho Somalia sanadkii 1991-kii, oo isla xiligaasi ay burburtay dawladii Siyaad Bare.
wSi kastaba arintu ha ahaatee arintan ayaa daba socota, maalmo ka dib markii badhasaab Peter Munya uu ku baaqay in Somaliland ay Kenya aqoonsado, si taa badalkeedana ay qaadka Miirooga ugu iibgeyso Hargeysa oo suuqa qaadka lagu qiyaasay $400 Milyan oo dollar, oo 99% ay qaadkuna uu uga yimaado Ethiopia.