Kabtankii hore ee kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa gacan bini aadamnimo ka gaystay dadka baddaha ku dhibtooda ee soo galaytiga ah isaga oo dooni uu lahaa ugu deegay urur ka shaqeeya samata bixinta dadka baddaha u soo mara si ay u gaadhaan Yurub isla markaana ay nolol fiican u raadsadaan.
Dadka Yurub soo gala oo inta ugu badan ka yimaada qaaradaha Afrika iyo Asia ayaa soo gala safaro halis badan waxayna dadkani safarkan naftii huranimada ah ay u soo galaaan si ay u helaan waxa ay u arkaan nolol ka fiican tii ay ku haysteen wadamadii ay ka soo yimaadeen.
Waxaa jira wadamo ay dagaalo halakeeyeen sida Syria, Libyia, Iraq oo qaab qaxoonti ay ku gala wadamada jaarka ah iyo Yurub. Halka dad kale ay u tahriibaan kaliya sidii ay u raadsan lahaayeen lolo fiican. Xavi ayaa ururka aan dawliga ahayn ee Pracativa Open Arms oo ka jira Barcelona waxa uu ku wareejiyay doontan.
NGO-ga Pracativa Open Arms oo ah urur samafal ah ayaa loo sameeyay sidii uu dadka uga soo badbaadin lahaa badwaynta waxayna dhawaan xarun ka samaysateen jasiirada Lesbos ee dalka Giriiga. Wuxuuna ururkani awooday in uu badda Mediterranean ka soo badbaadiyo dad ka badan 3000 kun oo muhaahiriin ah.
Xavi ayaa furihii doontan ku wareejiyay ururkan balse waxaa la sheegay in aan loo isticmaali doonin in dadka lagu soo badbaadiyo basle doontan ayaa la iibin doonaa iyada oo lacagta ka soo baxda loo adeegsan doono hawlaha uu ururkani ka qabto samata bixinta dadka badda ku dhibtooda.