Wasiir Kali Ah Oo La Waayay In Uu Su’aal La Keeno Heshiiska Aanu Arag Ee Laga Saxeexay Khamiistii Dhawayd
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaabkii duuduubka ahaa ee Madaxtooyadu golaha wasiirrada u marsiisay Khamiistii dhawayd qabyo qoraalkii heshiiska DP-World uu ahaa mid qarsoodi ah oo Madaxtooyadu ku diidanayd in la arko maadaama sida la sheegay heshiiskaasi uu xaggiisa hoose ku saxeexan yahay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida ay shalay shaaciyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland oo arrinkan ka hadlay.
Sidoo kale wararka ayaa tibaaxaya in Xildhibaano ka tirsan Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ahi xukuumadda ka dalbadeen in aan heshiiskan lagu degdegin illaa dadka Gobolka Saaxil degan wax loo sheegayo ee umadda la dejinayo balse ay xukuumaddu xubnahaasi dheg u dhigi wayday lana kala eryay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo shalay ka hadlayay kulan ay saxaafadda u qabteen xildhibaanada saddexda xisbi qaran ka soo jeeda ee Gobolka Saaxil laga soo doortay waxa uu sheegay in heshiiska DPW aanay wasiirradii ansixiyey aanay arag loona ogolaan ee la daawadsiiyey Kombuyuutar gidaarka loogu dhuftay isaga oo xildhibaanku sheegay in sababta madaxtooyadu heshiiskan u qarinaysaa tahay iyada oo uu xagga hoose kaga saxeexan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Golihii Wasiirrada ee Xeerka Maamulayay lama tusin heshiiska la leeyahay waxa lala soo galay shirkadda DP World. Waxa la tusay Projector la yidhi waakaasi inta sidaa la yidhi markaasaa la yidhi taaga gacmaha. Iimaankii baa innaga dhaawacnoo nin kasta oo Wasiir ahi waxa uu ka baqayaa in la eryo markaasuu gacantii iska taagay. Waayo tani dawlad baanay ahayn, tusaale ahaan Wakhtigii Ina Cigaal sidaasi ayuu u soo ban dhigi jiray wixii uu hayo oo umadda u hor keeni jiray. Waakaasi Cabdilaahi Dirawal ninka ugu hadal badan ayuu ahaa waligiina lama eryin. Ninka ugu sharafta badan lehna wuu ahaa Cabdilaahi Dirawal. Ninka ugu su’aal badana wuu ahaa wakhtigii Cigaal” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanka oo ka sii hadlaya dhibaatada xukuumaddani dalka ku hayso gaar ahaan gobolka Saaxil waxa uu yidhi: “Waxaan Umadda reer Somaliland u sheegayaa in imikana wixii ay soo malmaluuqeen golahayagii lagu soo wado. Golihii Wakiilada ayay ku soo wadaan. Sidaa uu sheegay Xildhibaan Maxamed Faaarax Qabille, annagu waxaannu doonaynaa heshiis, heshiiska waxa hoosta kaga saxeexan Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah madaxweynaha Soomaaliya. Maxay u qarinayaan. Shalay waxay doonayeen in ay keenaan, markaasay qoladii KULMIYE laftoodu tidhi waar bal innoo kaadiya oo Berbera hala dejiyo. Waxa ay yidhaahdeen waar dadka wax haloo sheego. Markaasay yidhaahdeen kuwanaaba innoogu daran. Waa Guddi la sameeyoo 11 ahaa oo xildhibaan Siciidkan ayaa ka mid ahaa. Waxa la yidhi waar innaga tuura KULMIYE-han baaba imtixaanee. Iyagu KULMIYE, WADDANI iyo UCID toona ma jecla. Annagu imika saddexdii xisbiba waannu ka koobanahay. Annagoo reer kaliya ah. Dimuquraadiyaddu waataa halkaa naga gaadhsiisan. Musharrax baannu leenahay oo xukuumaddu silcisay haddana maanu odhan tollaayeey. Waa dagaal toos ah reer Somaliland-oow” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xil.Siciid.