Somaliland: Cabdkarriim Axmed Oo Xukuumada Iyo Xisbiyadaba Ugu Baaqay Inay Ka Jawaab Celiyeen Hadlkii Ka Soo Yaadhay Turkiga Ee Midnimada Somaliland IYo Soomaliya

Date:

3 bishii Juune, ayaan qoray in anu Turkigu dhex ahayn iyo waxa la dhaafsadey joogitaankooda Somaliland, maanta afka safiirkooda ayay ka soo baxday in ay Somaliland iyo Soomaaliya hal u arkaan! waa sida uu yidhi Safiirka Turkiga u fadhiya Mugadisho oo ah ninka uu hoos tago qusulka Turkiga u fadhiya Somaliland, anoo xiganayaa hadalkiisii waxa uu yidhi “MAANU AQBALIN BAASABOORKOODA, MANA AQOONSAN, SIDA AAD LA SOCOTAAN WAXAANU WADNAA HESHIISKII SOMALIYA IYO SOMALILAND, ANAGU WAXAAN KA SHAQEYNEYNAA SOMALIA IN AY WANAAGSANAATO OO AY MID AHAATO SOMALILAND IYO SOMALIA DADKA KU NOOLI ANAGA WAXAY NOO YIHIIN HAL !!!”

Hadii dalkan madax shacabkeeda matashaa joogto waa in jawaab cad la siiya ninkaa safiirka sheeganaya oo ugu horayn la xidhaa qusuliyadooda sida ugu dhakhsaha badan, waa in Somaliland ay ka baxdaa wada-hadalada madhalayska ah ee Turkigu dhexdhexxaadiyaha ka yahay. horena waanu u sheegay maantana waa markhaati ma’doon in aanu turkigu dhex ka ahayn wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, sideen uga fili karnaa wax inoo dan ahi in ay ka soo baxaan wadahadalo ka dhacaya dal u arka Somaliland iyo Somaliya hal?

Ninkaa hadaan maanta madaxda xukumada Somaliland iyo asxaabta qarankuba hadaaney u jawaabin waxay noqonaysaa in ummaddan madaxdeedu khiyaamaynayso oo iyaga laftoodu anay Somaliland daacad ka ahayn!! Waan sugaynaa bal waxaad ugu jawaabtaan safiirka ku dhiiraday in uu inagula hadlo af qaawan oo xitaa ka madhan xishoodka diblumaasiyada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...