Somaliland: Faysal Oo Isaga Oo Aan Rafcaan Ka Qaadan Go’aankii Gudida Diiwaan Gelinta Shir Gaar Ah Iskii U Wata

Date:

“Xafiiska UCID Berri Waannu Joognaa Ee Bal Cidda Noogu Timaad Aan Eegno Kol Ay Ku Tahay Basaasiintii Cali Marreexaan”

Warar isa soo taraya oo warbaahintu helayso ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo qaar ka mid ah xubnaha garabkiisu aanay ku qanacsanayn go’aankii dhawaan Guddida Diiwaan gelinta Ururradu ka soo saareen khilaafka xisbiga UCID taasoo keentay in Guddoomiyaha UCID laga soo warinayo in uu ku hawlan yahay qabanqaabada shir uu qabsanayo.
Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrinkaasi daba socda ayaa waxa uu shalay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe haddii uu ka dhabeeyo hadaladaasi laga soo sheegayo in uu noqon doono mid isaga ku kooban iyaguna dhinacooda ay shantii xubnood ee shirweynaha soo magacaabi doonaan sida ugu dhakhsaha badan xarunta xisbigana iska xaadirin doonaan ee bal cidda ugu imanaysaa ugu timaaddo.
Cali Maxamed Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu qoraalkiisa ku yidhi: “Go’aankii Guddida Diiwaangelinta ee aanu rafcaanka ka qaadanin isla maanta ayuu buriyay oo uu ka hor yimid Faysal Cali Waraabe. Shirwayne gaar ah oon ahayn kii Heshiiskii hore loo wada galay ku jiray Guddiduna nagu dhexdhexaadisay ayuu sheegay in dhiniciisu gaar u qabsanayaan. Warkaasi oo hadda isoo gaadhay hadduu run yahay waxay u egtahay in annagu aanu kii lagu heshiiyay halkii ka sii wadi doono berrina Gudidii Qabanqaabada 5-tii xubnood soo magacaabi doono una qaybin doono dhammaan Hay’adaha ay khusayso iyo warbaahinta. Haddii ay run tahay in mid isagu uu iskii u magacawday oo aan Gole Dhexe ansixinin ku sheego ama sheegto Guddoomiye ku xigeen taa macnaheedu waa Faysal Cali Waraabe ma aha oo annaga nooma aha Guddoomiye ee waxaanu dhexdayada ka dooran doonaa Guddoomiye ku xigeen iyo intii aanu u baahno si aanu u gaadhono ujeedada. Xafiiska UCID-na berri laga bilaabo, haddii Alleh yidhaa, waanu joognaa ee bal ha soo baxo qofka anaga iska kaaya hortaagayaa basaasiinta Cali Mareexaan UCID u joogana ku dhehoo” ayuu yidhi Cali Guray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...