Somaliland: Saluuga Beesha Saaxil Oo Is Taxay Berbera Illaa Burco, Mudaaharaadyo Ka Dhacay Xarunta Togdheer Iyo Xukuumadda Oo Cuqaal Iyo Ganacsato Ku Eedeyey Inay Dadka Kicinayaan.

Date:

Xukunkii Dilka Aha Ee Sideeda Eedaysane Iyo Diidmada Masharuuca Dekeda Ee DP World, Oo Qayb Ka Ah Qodobada Kacdoonada Dhaliyay.

Hargeysa (Somallandtoday)-Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay hadheeyey magaalooyinka Berbera iyo Sheekh mudaaharaadyo xoogan oo ay dhigayeen shacbiga degmooyinkaas kuwaasoo ay kaga cabanayeen xukunkuu lagu riday dadkii ka dambeeyey dilkii taliyhii booliska ee gobolka Saaxil Marxuum Casayr.

Waxaana ugu dambaysay Xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco oo uu salaasadii shalay ka dhacay mudaahraad muddo kooban socdat balse si wayn magaalada looga dareemay, waxaana mudaaharaadkaas dadkii ka qayb galay ay u badnaayeen carruur, dhallinyaro iyo haween.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo ka hadlay faaf-faahinta mudaahraadkaas ayaa waxa uu sheegay inay mudaaharaadkaas soo abaabuleen dad gaar ah oo dano ka leh kicinta bulshada waxaana uu sheegay in qaarkood la hayo kuwa kalena gacanta lagu dhigi doono, Guddoomiy Qabo oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“waxoogaa rabshado ah oo dhallinyaro iyo haween la soo abaabulay ayaa maanta (shalay) ka dhacay magaalada, abaabulkaas cibdaa ka dambaysay cidii ka dambaysay qayb ka mid ah gacanta ayaanu ku haynaa, sidii aaad saxaafad ahaan arkayseen caruur yar yar iyo haween ayay ahaayeen wax rabshado ah may samayn laakiin taayir ayay gubeen laakiin markii aanu dabagalnay waxaanu ogaanay inay ka dambeeyeen dad waaweyn oo deegaanka ah ha ahaadeen Cuqal ama ganacsato qaarkoodna waad arkayseen iyagoo hanjabaya, halkan oo qudhana maaha Berbera iyo Sheekhba shaahid ayaa loo ahaa laakiin Reer Burco way ka duwanaayeen laakiin xanuunku wuu na soo gaadhay naguma se badna, markaa dadka reer Burco waxaan leeyahay nin dano gaar ah lehi yaanu dawladiina idinka hor keenin”.

Sidoo kale maalintii isniintii ayuu mudaaharaad wayn oo sababay inay muddo dheer hakahd galaan gaadiidku waxa uu ka dhacay deegaanka Sheekh oo u dhexeeya Berbera iyo Burco.

Sidaas si lamid ah waxaa habeenimadii salaasadu soo galaysay gil-gilay magaalada Berbera mudaaharaad daba socday kii sheekh ka dhacay, illaa hadana ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay mudaahraadyadaasi.

Beesha degta gobolka Gobolka Saaxil ayaa mudooyinkii u dambeeyey cabasho ka qabtay xukuumadda iyadoo si gaar ah u saluugsanayd heshiiska dekedda Berbera haatana waxay ka hor yimaadeen xukun lagu fuliyey dadkii ka dambeeyey dilkii Taliye Casayr illaa yo hadana xukuumaddu talaabo ay arrimahaas ku qaboojinayso may qaadin, ha ahaato waan waan ama awood dawladeed midna.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...