Wararka hada nasoo gaadhaya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Warganenews ayaa sheegaya in saaka madaxwayanaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iy wafti uu hogaaminayo oo kamida golahiisa wasiiradu ay safar ugu baxeen magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.
Waxaana saaka xilli hore mar kaliya ay shacabka caasimadu ku waabariisteen ciidamo tiro badan oo lasoo dhoobay wadooyinka kuwaasi oo adkanayay amaanka, waxaana waftigani ay goor dhawayd ka amba baxaan magaalada hargeysa iyaga oo usii jeeda magaalada berbera.
Ilaa hada ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya sababta uu madaxwayne Silaanyo iyo waftigani ay ugu baxeen magaalada berbera, wallow ay warar hoosena sheegayaan in ay sii dhafayaan una socdaan gobolada bariga Somaliland.