Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Puntland Oo Kala Qaaday Ciidamadii Isku Hor Fadhiyey Deegaanka Booda Cad.

Date:

Ciidamadii Somaliland qaranka iyo maamul goboleedka Puntland ee  Isku hor fadhiyey deegaanka Boodda Cad ee Bariga Sanaag oo tobaadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii uu dagaal ku dhexmaray halkaasi, ayaa la sheegay in la kala qaaday oo ka wada hadleen labada maamul sidii aanu dagaal dambe uga dhici lalahyn halkaasi.

Ciidmadaan oo intooda badan isku horfadhiyey degaanka Booda-Cade ee ku dhow magalaada Dhahar ayaa waxaa maalin kaliya isku-dhac ku dhexmarey halkaas, waxaanay maalmihii u dambeeyey labada dhinac wadeen isku hub urursi laga cabsi qabay in uu mar kale dagaal halkaasi ka qarxo.

 

Maamulka Gobolka Badhan, ayaa wargeyska Saxansaxo u sheegay in ay jirto in Labada Ciidan  la kala qaaday oo ay kuwa Puntland dib uga npqdeen deegaanka Boodda cad halka kuwa Somaliland dib u soo noqdeen wax aan badnayn.

Wadahadalka lagu kala qaadey ciidamadan ayaa wararku sheegayaan in markii hore uu ka bilowdey gobolka Sanaag isaga oo markii dambe gaadhey in uu Maxweyne Gaas-ka  uu  taleefan kula hadlo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland maadaama oo laga hayey maxaabiis badan oo masuuliyiin ku jiraan, sida lagu baahiyey warbaahinta maamulkaasi afkooda ku hadasha.

Labada Madaxweyne, ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen  la joojiyo colaada labada dhinac, islamarkana dib loo kala qaado ciidmada labada dhinac iyada dhinaca kale uu jiro cadaadis beesha caalamka kaga yimid dhinacyadan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...