WAR DEG-DEG AH: Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Gacan Ku-haynta Degmada Dhahar iyo Deegaannada Hoos Yimaad

Date:

Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ayaa gebi ahanba la wareegay gacanta degmada Dhahar iyo deegaannada hoos yimaada, kadib markii Deegaanka Bood oo 30km u jirta Degmada Dhahar ay isku faro saareen ciidamo ka socda Maamulka Puntland oo weerar kusoo qaday ciidamada qaranka Somaliland ee aagaasi ku sugan.

Weerarkan ayaa sida ay wariyeyaal ku sugan magaaladda Ceergaabo u sheegeen warbaahinta qaar, wuxuu ka dambeeyay ka dib markii ay ciidamo ka socda maamulka Puntland weerar ku soo qaadeen fadhiisimo ay ku sugan yihiin ciidanka qaranka somaliland.

dagaalka oo socda ayaa sida ay ilo wareedyadaasi nagu soo gaadhayaan ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa qaranka somaliland oo ka yimid Laascaanood ay dhabar jabiyeen kuwa Puntland.

Sida wararkani sheegayaan ciidamada qaranka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 15 ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday oo ka tirsanayd maamulka Puntland iyo laba Gawaadhida dagaalka ah oo wateen dableydaasi, waxaana hadda askartaasi iyo baabuurtii ay wateenba gacanta ku haya ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaasi.

Deegaanka Bood oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaaladda ceergaabo ayaa waxa ay ka mid tahay deegaamo ay ka bilaabantay diiwaan gelinta codbixiyeyaashu.

Dhinaca Kale ciidamada Qaranka Somaliland ayaa kusii jeeda degmada Badhan, halkaasi oo sida la sheegay ay iyana ka fulin doonaan hawlgalo ay ku baacsanayaan dabley taabacsan maamulka Puntland oo carqaladayn ka wada habs u socodka hawlaha diiwaangelinta oo maalintii Saddexaad gashay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...