Turkiga oo ku raad-jooga Saraakiil u baxsaday wadanka Giriiga

Date:

Dowlada Turkiga ayaa ka codsatay wadanka Giriiga inuu usoo gacan geliyo 8 sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadii isku dayey inqilaabkii dhicisoobay, kuwaasi oo diyaarad helikobter ah ulla baxsaday dhinaca dalka Giriiga.

Saraakiishan oo la baxsaday diyaarada nooca qumaatiga u kaca ah ee Blackhawk ayaa magangelyo siyaasadeed weydiistay dowlada Giriiga oo ay Turkiga jaarka yihiin.

Xukuumada Giriiga ayaa si deg degleh ugu celisay Diyaaradii militariga Turkiga lahaa wadankii lagala soo baxsaday, balse saraakiishii watay ayaa weli ku xiran dalka Giriiga.

Askartan baxsadka ah ayaa maanta oo Axad ah la horgeyn doonaa Maxkamada wadanka Giriiga oo dacwadooda dhageysan doonta, waxaana sidoo kale la filayaa in lagu soo oogo dacwad ah inay hawada Giriiga kusoo galeen si sharci daro ah, walow aan la aqoon in Giriiga uu raggan magangelyo siin doono ama uu dib ugu celin doono dalka Turkiga.

Saraakiisha la xiray oo ay ku jiraan Jeneraalo iyo Korneylo ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Guutada 3aad ee Turkiga oo fadhigoodu ahaa magaalada Istanbul, Jeneraal Erdal Ozturk.

Xukuumada Madaxweyne Tayyib Erdogan ee Turkiga ayaa sii wada olola ay ku raafeyso saraakiishii iyo askartii ka qeyb qaatay inqilaabkii fashilay, waxaana maanta oo Axad ah la shaaciyey in xilalkii laga qaadi doono Garsoorayaal gaaraya 2 kun oo la sheegay inay ku lug lahaayeen inqilaabka. Dadka hada xabsiga la dhigay ayaa la sheegay in tiradoodu gaartay in ka badan lix kun oo qof.

Turkiga-Saraakiil-baxsad-Giriiga3 Turkiga-Saraakiil-baxsad-Giriiga4

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...