“Dhallinyarada Muslimiinta ah ee ku nool bariga Afrika, waxaan leeyahay Laaya Gaalada idiin dhow, waxba ha ula hadhina….” Sheekh Cumar Abuu-cudbeyd
Hoggaamiyeha cusub ee Kooxda Al-shabaab Axmed Diiriye, Al-shabaab dhexdeedana looga yaqaano Sheekh Cumar Abuu-cudbeyd, ayaa soo saaray Khudbaddiisii u horeysay tan iyo markii uu beddelay Hoggaamiyehii hore Axmed Cabdi Godane oo Maraykanku ku dilay Duqeyn Diyaaradeed, Sannadkii 2014-kii.
Al-kataaib oo ah waaxda Warbaahinta ee Al-shabaab, ayaa baahisay Muuqaal soconaya 44 Daqiiqo oo uu Hoggaamiyeha Al-shabaab kaga hadlayo Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xaaladda Soomaaliya ee Wakhtigan, Dagaalka Al-shabaab kula jirto Ciidammada AMISOM iyo kuwa Dawladda Soomaaliya, Maalgelinta Turkigu ku sameeyay Soomaaliya iyo Xidhiidhka uu la leeyahay Masuuliyiinta Dawladda Xasan Sheekh, kuwaasi oo uu dhammaantood ku sheegay inay dano siyaasadeed iyo Dhaqaale oo qarsoon ka leeyihiin Soomaaliya.
Sh. Cumar Abuu-cudbeyd, ayaa ugu horeyn hadalkiisan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee uu soo saaro inta uu hayo Hoggaamiyenimada Al-shabaab, kaga hadlay ujeeddada Dagaalka Al-shabaab ka waddo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaa la wada ogsoon yahay wixii dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulkaan ay soo mareen, laga soo bilaabo gumeysigii saliibiyiinta, la soo maro xukuumadihii is-xigay ee mabaadii’da Gaalada dalka ku dhaqi jiray illaa laga soo gaadho hoggaamiye-kooxeedyadii Mareykanku adeegsanayey, lagu soo khatimo gumeysiga cusub ee uu hadda waddanka ku jiro. Dhammaan xamlooyinkaas kala duwan waxaa ka hortagay dad Mujaahidiin ah oo saadiqiin ah oo kaga hortagay Af iyo Adinba. Sidaa daraadeed Sidan Allaah ka rajeyneyno marna ma dhicin in dadka Muslimiinta ah ay is dhiibaan Jihaadka aan Maanta ku jirnana wuxuu la xidhiidhaa oo uu dhameystir u yahay Jihaadkaas soo jireenka ah ee ay awoowayaasheen iyo Aabbayaasheen kula soo jireen Gaaladii xilligooda joogtay. Anaguna Gaalada hadda joogta oo ah Carruurtii ay dhaleen kuwii shisheeyihii awoowayaasheen la soo dagaalameen ayaan jihaad kala soo horjeednaa sidaas ayeyna xaqqa iyo baadilkau mar walba isaga soo horjeedaan ilaa qiyaamaha.”
Hoggaamiyeha Al-shabaab waxa kale oo uu ka hadlay Xeer la sheegay inay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo fasaxaya in Dadka isku jinsiga ahi is-guursadaan, “Waxaa intaas sii dheer in Xukuumadda Muqdisho ka jirta ay ansixisay shuruuc Akhlaaq kasta oo wanaagsan oo Ummaddan lahayd tirtireysa, baneyneysana Anshax-xumo halka ugu sareysa, Waxay ansixiyeen wax xitaa ay ka xishoodeen, kana hor yimaaddeen dowladaha Kiristaanka ah qaarkood” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Saamaynta Reer Galbeedku ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan Dawladda Turkiga, “Waxaa shisheeye uu Turkigu hormood u yahay loo gacan geliyey dhaqaalihii Waddanka. Turkigu wuxuu xubin firfircoona ka ahaa xulifada saliibiyada ee NATO oo ah awood Ciidan oo loo sameystay sidii Muslimiinta loogu gumaadi lahaa, Waxaana intaas sii dheer in Turkigu ay hor-boodayeen duulaankii Mareykanku uu hoggaaminayey ee lagu soo qaaday Muslimiinta Soomaaliya sagaashameeyadii. 1993-dii, General Bir oo dhalashadiisu Turkey tahay ayaa ahaa taliyihii korkacayey ciidamadii huwanta ahaa oo ka koobnaa in ka badan 30,000 oo Askari oo laga kala keenay ku dhawaad 36 dowladood. Ogaada waxqabad ku sheega liita ee Turkigu ka wado Soomaaliya, waxaynu ka helayno waxa ka badan waxaynu ku waayeyno.”
Sheekh Abuu Cubayd, waxa kale oo uu tilmaamay in Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya jooga ay dhaqan-xumo ku faafinayaan halkaasi, isagoo Carrabka ku dhuftay xumaan uu sheegay in ciidamada Jabuuti ka wadaan magaalooyinka Buula Burde iyo Beled weyne sida iyagoo buu yidhi Filimo Jinsi ah ka duubaya hablaha Soomaaliyeed isla-markaana kufsanaya Gabdho qaarkood 6 sano jira.
“Ummadyahay waxa la heysto waa Dhulkiina, waxa la xasuuqayo waa Ubadkiinii iyo Maatadiina, waxa la boobayo waa hantidiinii iyo khayraadkiinii, waxa Ciidamada saliibiyiinta ah dalka loogu soo daabulayo waa in aad is-dhiibtaan oo aad gumowdaan, ka dibna wixii ay damacsanaayeen la idinka fusho, Yaanan la idinku khaldin magacyada qurxoon ee saliibiyiintu u bixinayaan ciidamada ay dalka ku soo Daabulayaan, sida waxa ay ugu yeedhaan Nabad ilaalin.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Dhalinyarada ku nool Dalalka bariga Afrika, “Dhallinyarada Muslimiinta ah ee ku nool bariga Afrika, waxaan leeyahay Laaya Gaalada idiin dhow, waxba ha ula hadhina, Howlgaladiina Rabbi u kaashada, qarsoodigana ku dedaala.”